Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Maxaad ka taqaan Hoggaamiyihii la is qarxiyey ee Daacish Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurashi..?

    Maxaad ka taqaan Hoggaamiyihii la is qarxiyey ee Daacish Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurashi..?

    February 3, 2022Updated:February 4, 20223 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurashi oo ahaa hoggaamiyihii labaad ee Khilaafada islaamiga Daacish ayaa maanta la xaqiijiyey in lagu dilay weerar ka dhacay dalka Syria oo ay qaadeen ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in militariga Mareykanka ay “khaarijiyeen” hogaamiyaha Daacish, Abu Ibrahim al-Hashemi al-Qurashi, intii lagu guda jiray howlgal ka dhacay waqooyiga Suuriya habeenkii Arbacada.

    Sirdoonka Maraykanka iyo Ciraaq ayaa hore u xaqiijiyey in Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurashi uu yahay Turkmen-ka dalka Ciraaq ee Abdullah Qardash, oo sidoo kale loo yaqaan Haji Abdullah oo ka soo jeeda gobolka Naynowah ee Waqooyiga Ciraaq, inkastoo ISIS ka gaabsatay inay sheegto wax war ah oo ku saabsan ninkan.

    Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo gaareysa Malaayiin oo Dollar madaxiisa saaray ninkan, taasoo loo ballanqaaday qofkii keena xog horseedi karta in Qardash la helo ama la qabto, waxaana la gaarsiiyay 10 milyan oo dollar.

    Sida laga soo xigtay laamaha ammaanka Ciraaq magaciisa dhabta ah waa Amir Muhammad Said Al-Salbi al-Mawla, waxa uu ku dhashay al-Mahalabiya, oo ku taal magaalada Nineveh, 1976-kii, waxaana la dhashay 7 wiil iyo 9 gabdhood. Aabihii waxa uu imaam ka ahaa Masjidka Al-Furqaan ee ku yaala xaafadda Al-Bacath ee magaalada Mosul intii u dhaxeysay 1982 ilaa 2001.

    Al-Qurashi ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa dhaxal-sugaha Abu Bakar al-Baghdadi, kaasoo dhamaadkii bishii Oktoobar 2019 lagu dilay howlgal ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen gobolka Idlib, ee waqooyi-galbeed ee Suuriya.

    Majaladda Newsweek ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa warbixin ay hore u soo saartay ku sheegtay in Qardash uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Ciraaq xilligii Saddaam Xuseen, waxaanay intaa ku dartay in xogta isaga ku saabsan ay aad u yar tahay.

    Ninkan ayaa la sheegay in lala xiray Abubakar Al-Baghdadi xabsi ku yaalla Bucca ee gobolka Basra, kadib markii xabsiga laga sii daayay waxa uu noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha safka koowaad ee ururka ISIS.

    Waxa uu hore u soo qabtay jagada hoggaamiyaha Al-Qaacida, wuxuuna ka qalin jabiyay kuliyada Imaamka weyn ee Jaamacadda magaalada Mosul, isagoo bartay Shatciga.

    Abu Qurashi waxay aad isugu dhawaayeen Hoggaamiyaha, Abu Alaa Al-Afri (ku-xigeenkii Al-Baqdaadi, oo la dilay sannadkii 2016-kii) waxa uuna tilmaamay in Aabihii uu ahaa nin leh aftahannimo oo dadka aad wax uga dhaadhiciya.

    Wargeyska New York Times ayaa sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa ay sii kordhayaan cadeymaha muujinaya in dowladda Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq ay dib u soo cusboonaatay, 3 sano kaddib markii ay lumiyeen saldhigii ugu dambeeyay ee ay ku lahaayeen dalalka Ciraaq iyo Syria.

    Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurashi ISIS Top US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWAR CUSUB: Hoggaamiyihii Daacish oo si yaab leh isu dilay, intii aysan qaban ciidamada Mareykanka
    Next Article Jabuuti oo Soomaaliya uga guuleystay tartankii Kursiga Golaha Amniga ee Midowga Afrika (Natiijada)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo