Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Maxaad ka taqaan lammaanaha Turkiga ah ee ka danbeeyay soo saarista Tallaalka lagu farxay ee Covid-19?

    Maxaad ka taqaan lammaanaha Turkiga ah ee ka danbeeyay soo saarista Tallaalka lagu farxay ee Covid-19?

    November 11, 2020Updated:November 12, 20203 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Prof. Ugur Sahin iyo xaaskiisa Dr. Özlem Türeci oo asalkoodu yahay Turkiyii heysta dhalashada Jarmalka ayaa ka dambeeyay soo saarista tallaalka cudurka Covid-19 ee ee dunida farxadda geliyay, kadib markii uu wax ku ool noqday 90% dadkii lagu tijaabiyey.

    Guusha ay gaareen labadan Lammaane aya asi weyn looga hadal hayaa warbaahinta dunida. Waxay noqdeen dhaqtarrada nasiibka u yeeshay inay noqdaan kuwii ugu horeeyay ee tallaalkooda uu noqday kan ugu waxtarka badan ilaa 11 tallaal oo tijaabadoodu ka socoto dalal kala duwan.

    Prof. Ugur Sahin oo Turkiga ku dhashay, waxay da’diisu tahay 55, waana agaasimaha guud ee shirkadda tiknoolojiyadda caafimaadka ee lagu magacaabo BioNTech – oo laga leeyahay Jarmalka. Shirkaddan waxay si wadajir ah isula aasaaseen xaaskiisa Özlem Türeci, oo 53 jir ah iyo macallinkiisii hore, Barfasoor Özlem Türeci, oo u dhashay waddanka Austria, kuna takhasusay cudurka kansarka.

    Barfasoor Sahin iyo Dr Türeci waxay shirkadda BioNTech ku aasaaseen magaalada galbeedka Jarmalka ku taalla ee Mainz, sanadkii 2008. Labadoodaba waxaa dhalay waalidiin qaxootinnimo ku tagay Jarmalka. Ugur Sahin afar sano ayuu jiray markii ay qoyskiisa u qaxeen Jarmalka, xilligaasoo ay hooyadiis u tageysay aabihiis oo ka shaqeynayay warshad ku taalla magaalada Cologne.

    Ugur Sahin wuxuu cilmiga caafimaadka ka bartay jaamacadda Cologne, wuxuuna sheegay in mar walba uu xilli dambe ku gaadhi jiray sheybaarka jaamacadda. Ilaa maanta shaqada ayuu uga sii dambeeyaa dadka kale.

    Ka hor inta uusan dillaacin cudurka safmarka ah, BioNTech waxay si gaar ah cilmibaaris ugu sameyn jirtay dawooyinka loo raadinayo kansarka, laakiin ilaa hadda ma jirto daawo ay soo saartay oo la asnixiyay. Özlem Türeci iyaduna waxay soo kordhay aabbeheed oo dhakhtar ah, kaasoo saameyn ku yeeshay xirfadda ay qaadatay, maadaama uu guriga ku sameysan jiray shaqooyinka qaar.

    Dhaqtarrada Sahin iyo Dr Türeci waxay ku takhasuseen kobcinta awoodda difaaca jirka, markii horena waxay shaqadooda diiradda ku saari jireen caawinta bukaannada cudurka kansarka. Waxay horay u isticmaaleen qalab loo yaqaanno messenger RNA (mRNA) si ay u sameeyaan dawooyin gaar ah oo lagu durayo unugyada jirka, kuwaasoo kaddib difaaca qofka u tababaraya inuu weeraro unugyada wata cansarka.

    Barfasoor Sahin ayaa gartay in habka ay u shaqeeyaan qalabka mRNA iyo sida ay dhismaha uga caawiyaan difaaca loo adeegsan karo dagaalka ka dhanka ah fayraska corona. Ujeeddadu waa in unugyada difaaca lagu abuuro burutiinno weerari kara fayraska islamarkii uu jirka soo galo.

    Uğur Şahin ve Özlem Türeci'nin keşfi olan Biontech-Pfizer aşısı nedir,  nasıl etki eder?

    Markii warka ku saabsan inuu Coronavirus dillaacay bishii January laga soo tabiyay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, shirkadda BioNTech howsheedu meel wanaagsan ayeyba sii mareysay, maadaama ay shaqada lagu abuurayo dawooyinkaas sii billowday sanadkii 2018-kii. Sidoo kale shirkadda Pfizer ayey waqtigaas isla billaabeen diyaarinta tallaal loogu talagalay hargabka.

    Isniintii waxay mas’uuliyiinta BioNTech shaaciyeen in waxtarka tallaalkooda uu ka sarreeyo 90% – saameyntiisuna ay muuqaneyso hal isbuuc kaddib markii la isticmaalo tallaalka labaad. Qeybta ilaalinta difaaca jirkana waxay billaabaneysaa 28 maalmood kaddib marka la isticmaalo tallaalka koowaad.

    Shirkaddoodu wuxuu qiimaheeda sare u kacay shan laab markii la shaaciyey waxtarka tallaalka ay soo saareen, waxayna hadda suuqa saamiyada ka gaartay $21 bilyan oo doolar, halkii ay sanad ka hor ka ahayd $4.6 bilyan oo doolar.

    COVID-19 Covid-19 vaccine Tallaalka Turkish Ugur Sahin and Dr. Özlem Türeci
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFarmaajo, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Qoraallo isku mida kasoo saaray Doorashadii Cali Guudlaawe (Akhriso)
    Next Article Maxamed Cabdi Waare: “Uma hambalyeynaayo Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed, waan..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo