Thursday, May 15, 2025

Maxaad ka taqaan Madaafiic Dheemish ah?: Xaaladda Wasaaradda Ammaanka oo dib ugu laabatay xilligii Kumeelgaarka

Qaraxyo ay dhaliyeen madaafiic ayaa maanta ku habsaday agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia iyadoo ilaa shan saalbo lasoo weriyay inay ku dhaceen goobo isku dhow oo madaxtooyada ku xeeran, waxaana saxaafadu tebisay in qaraxyadaasi ay dhaliyeen waxyeelo gaartay baabuur iyo burbur goobihii ay ku habsadeen.

Qaar kamid warbaahinta ugu waaweyn ayaa ku waramay dhimasho iyo dhaawac. BBC-da laanta Afka Soomaaliga waxay soo weriyay in laba qof ku dhaawacmeen qaraxyadii maanta lagu weeraray madaxtooyada ayna ka danbeysay Alshahaab. Sidoo kale VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ku warantay in qaraxyadii maanta uu qof ku dhintay, dhaawacna uu jiro.

Qaraxyadan ayaa yimid iyagoo howgallo ammaanka lagu sugayo ay ka socdaan magaalada Muqdisho isla markaana maalmihii ugu danbeeyay ay dhacayeen weeraro u badan qaraxyo miino oo lagu xirayo baabuur ay wateen dad kala duwan oo shacab ah iyo shaqaale dowladeed.

Ad

Waa markii ugu horeysay muddo sanad barkii ka badan oo la maqlay weeraro madaafiic ah oo dharaar cad lagu qaadayo madaxtooyadii Qaranka, tani oo muujineysa in laamaha ammaanka aanay weli ku guuleysan sugidda ammaanka, tallaabooyinka ilaa hadda la qaadayna aysan ku fileyn inay ka hortagaan tallaabooyinka Xarakada Alshabaab.

madfac

[ad name=”HTML-4″]

- Advertisement -

Waxaa la yaab leh in Wasaaradda Amniga aamus dheer  kadib ay goor dhow soo saartay war lagu sheegay wixii maanta dhacay inay ahaayeen qaraxyo DHEEMISH ah oo lagu khalkhal gelinayo ammaanka. Warka Wasaaradda oo Radio Muqdisho qoray wuxuu ka hadlayaa inaysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxyadaasi “macmalka ah”!!.

warsaxaafadeed

[ad name=”HTML-2″]

Qaraxyadaasi oo deryankooda laga maqlayay qeybo badan oo Muqdisho ka mida, waxaa marka hore fasir buuxa oo lagu qanco u baahan waxa la yiraahdo “QARAX DHEEMISH AH” oo dadka intiisa badan aanay fahmi karan, waxaase xaqiiqo ah inaysan ahayn BAARUUD lagu dabaal dego iyo buleer-ada hawada loo gano xilliyada munaasabadaha.

- Advertisement -

Ma aha markii ugu horeysay ee hay’adaha ammaanka ay qaraxyo ka dhacay magaalada oo madaafiic loo adeegsaday ku tilmaamaan Dheemish iyo macmal been abuur ah, Laakiin waxaa iska cad in  Ciddii MADFAC DHEEMISH AH MADAXTOOYADA KU SOO RIDAY AY AWOOD U LEEDAHAY INAY MID WAX DILKA OO XAQIIQO AHNA ay soo ridi karto.

Wasaaradaha ammaanka qaabilsan waa inaysan bulshada ku ciyaarin, iskuna dayin inay fashilkooda ku bedelaan waxqabad, qirashada inaad fashilantay waxay ka mid tahay jidka xalka iyo raadinta iyo aqoonsiga xaqiiqadaada, laakiin difaaca heerkan gaaray ee ah in la yareeyo dhibaatada ka taagan xaaladda ammaanka waxay farta ku fiiqeysaa inaan loo diyaar ahayn waxqabad dhab ah iyo in wasaaradu dib ugu laabatay xaaladii ay ku sugneyd xiligii Kumeelgaarka.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON