Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Maxaad ka taqaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/llaahi Deni [Akhriso Taariikh Nololeedkiisa]

    Maxaad ka taqaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/llaahi Deni [Akhriso Taariikh Nololeedkiisa]

    January 8, 2019Updated:January 9, 20193 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland ayaa loo doortay Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), waxaana lagu dhaariyey xarunta Golaha Wakiilada Puntland, isla markii la doortay, isagoo dowlad Goboleedka Puntland hoggaamin doona 5-ta sano ee soo socota.

    HADDABA HOOS KA AKHRISO SHAQSIYADDA MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND

    Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay Caasimadda dalka ee Muqdisho. Sanaddii 1972-dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho.

    1980 ilaa 1984-kii wuxuu Dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986-dii ilaa 1990-kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda Luuqadaha.

    1998 – 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management).

    Kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahanadii dib ugu soo noqday Puntland, qeyb ayuuna ka qaaatay horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, kor uqaadista ganacsiga wax uuna qayb wayn ka qaatay dib u dhiska Dawladda Puntland.

    Waxqabadka Ururada Bulshada iyo Ganacsiga.

    Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992-dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha Maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadaamun oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada oo mar gacanta ku heysay in ka badan 15,000 oo arday.

    Wuxuu 1992 ilaa 1997 ahaa madaxa Hay’adda Tadaadum iyo asaasihii Dugsiyada Imaamu Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998dii, iyadoo maanta Imaamu Nawaawi ay Dugsiyadiisu yihiin 22 Dugsi oo 5 kamid ah Dugsi Sare.

    Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1994, wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya, Sannadkii 1996, wuxuu noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.

    Sannadihii 2002 ilaa 2012, wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman.

    Waxqabadka Arrimaha Siyaasadda–Heer Federaal

    Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xubin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaliyeed Sannadkii 2012, waxa uuna qeyb wayn ka qaatay shaqooyinka barlamaanka isaga oo xubin ka ahaa guddiga Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah.

    Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Intii uu joogay Wasaaradda waxa uu qayb wayn ka qaatay sidii ay Soomaaliya uheli lahayd qorshe horumarineed oo taabagalay.

    Sannadkii 2017, Siciid Denni wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd doorashadii Madaxweyne-nimada Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa.

    Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu maanta 9-ka  January 2019 ku guuleystay xilka Madaxweynaha Dawladda Puntland. Waxaa uu ku hadlaa Somali, English iyo Arabic

    Doorashada Puntland Puntland Siciid C/llaahi Deni Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha cusub ee Puntland oo soo saaray Amarkii ugu horeeyay [Muxuu ku saabsan yahay..? -Akhriso]
    Next Article Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo la doortay & Doorashadii Puntland oo lasoo gabagabeeyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo