Waxaa caawa madaxweyne loo doortaymadaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hore u soo noqday Ra’iisal wasaare kadib doorasho adag oo dhex maray isaga iyo laba ka mida madaxweynayaashii hore.
Madaxweynaha cusub la doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa inta badan noloshiisa ku soo qaatay qurbaha, gaar ahaan dalka Maraykanka.
Madaxweyanha cusub ee ay doorteen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka.
Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya bishii April 1962-dii.
Wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ku qaatay magaalada Muqdisho.
wuxuu shahaadada B.A iyo M.A ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-dii iyo 2000.
Shaqooyin kala duwan ayuu soo qabtay oo ay ka mid tahay dhanka xuquuqda aadamaha.
Isagoo agaasime guud ka soo noqday hay’ad u dooda xuquuqda bulshada sanadkii 2002-dii ilaa wakhtigan uu ka shaqeynayay.
Wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee ee dalka Maraykanka sanadihii 1986-dii ilaa 1989-kii.
Intii uu burburku dhacay Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu inta badan ku noolaa dalkan Maraykanka, mana ahayn nin Soomaalidu ay inta badan magaciisa maqli jirtay, balse waa nin masraxa siyaasadda ku cusub.
Farmaajo wuxuu ku guuleystay doorasho si weyn loogu loolamay oo saddex wareeg socotay iyadoo uu ka guuleystay madaxweynaha xilka sii hayay ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana arrintan loo arkaa ISBEDEL la yaab leh oo dhici doona.
Musharaxan ayaa hore isaga casilay xilka Ra;iisal wasaaraha sanadkii 2011, markii ay u tashadeen labadii Shariif ee dowladdaasi ka ahaa madaxweyne iyo Ra;iisal wasaare, kadibna wuxuu ku laabtay dalka Mareykanka.
Wuxuu dib u soo laabtay doorashadii 2012 oo uu codad 14 ah ka helay doorashadii uu ku guueleystay Xasan Sheekh Maxamuud, laakiin 8-da Febraayo 2017 ayuu taariikhda ku galay inuu ku guuleystay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Wadani.com