Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Maxaad ka taqaan Madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan..? [Akhriso taariikh nololeedkiisa]

    Maxaad ka taqaan Madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan..? [Akhriso taariikh nololeedkiisa]

    June 24, 20184 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha xilka haya ee dalka Turkiga ayaa mar kale ku guuleystay xilka madaxweynaha dalkaasi markii dadka dalkaasi ay u doorteen Recep Tayyip Erdogan inuu mar kale noqdo madaxweynaha dalkaasi. Waxaan halkan ku eegeynaa taariikh nololeedka madaxweynaha Erdogan.

    Magaciisaoo buuxaa waa Recep Tayyip Ahmet Erdogan. Wuxuu dhashay sannadkii 1954-kii. Wuxuu ku dhashay degaanka la yidhaa Kasimpasa oo jaar la ah caasimada Istanbul. Aabihihii wuxuu ahaa askari ka tirsan ciidan ilaalada xeebaha ee Turkiga. Hooyadii  oo la oran jiray Tensile waxay ahayd gabar ka shaqaysa horumarinta dumarka muslimiinta aduunka. Waxay ahayd gabar caan ku ah khudbaha iyo abaabulka bulshada. Waxay dhimatay sannadkii 2011-kii. Halka aabihii uu dhintay sannadkii 1988-kii.

    –  Sanadkii 1960-kii ayuu bilaabay dugsigii hoose oo ku yaallay isla-goobtii uu ku dhashay ee Kasimpasa.

    –  Sanadkii 1964-kii ayuu bilaabay dugsigii dhexe, waxaanu ka bilaabay magaalada Istanbul. Dugsigan wuxuu ahaa “Islamic school” amma dugsi diini ah. Qoyskooda oo aan dhaqaale haysan aw-geed wuxuu suuqa ku iibin jiray khudaarta. Waxaanu is-kaga bixin jiray lacagta dugsiga uu dhigto. Wuxuu ahaa is-koris.

    –  Sanadkii 1969-kii ayuu isna bilaabay dugsigii sare, waxaanu ahaa dugsi-xirfadeed diini ah (Religious vocational High school).

    –  Sanadkii 1974-kii ayuu galay jaamacada ku taal Turkiga. Wuxuu bilaabay inuu barto dhaqaalaha iyo ganacsiga. Markii uu jaamacada ku jiray wuxuu aad xariif ugu ahaa kubadda cagta. Waxa kale oo guddoomiye ku-xigeen ka ahaa ururuka ardayda jaamacada.

    –  Sanadkii 1978-kii ayuu guursaday xaaskiisa Emine Gulbaran. Waxay ku kulmeen shir caalami ah oo uu ka qayb galay, waxaana halkaasi ka bilaabay xiriirkooda. Jacayl xagiisa ka yimid ayaa keenay inay is-calfadaan. Waxay isu dhaleen laba wiil iyo laba gabdhood. Waxaa wiilasha lag kala magacaabaa: Ahmet Burak iyo Necmeddin Bilal iyo gabdhaha oo kala ah: Esra iyo Sumeyye.

    –  Sanadkii 1979-kii ayuu dhammaystay jaamacadii. Waxaanu bilaabay shaqadiisii ugu horaysay oo ahayd guddoomiyaha xisbiga islaamiga Qaranka garabka dhalinyarada.

    –  Sanadkii 1980-kii waxa dalka Turkiga ka dhacay inqilaab milatari. Waqtigaas wuxuu xubin ka ahaa xisbiga daryeel islaamka.

    –  Sanadkii 1984-kii wuxuu noqday guddoomiye degmo isagoo metelaya xisbiga daryeelka islaamka.

    –  Sanadkii 1985-kii wuxuu u dalacay guddoomiyaha degmada ugu weyn Istanbul. Isagoo xilkan hayey ilaa sannadkii 1989-kii.

    –  Sanadkii 1991-kii waxa loo doortay xubin baarlamaan, laakiin waa laga horistaagay inuu kursigaa ku fadhiisto. Waxaana ka mamnuucday maxkamada sare.

    – Sanadkii 1994-kii ayaa loo doortay duqa magaalada istaanbuul, oo wakhtigaasi ahayd magaalada ugu weyn dhinaca ganacsiga dalka Turkiga iyo weliba yurubta bari. xilligan  waxaa magaalada istaanbuul haystay dhibaatooyin kala duwan sida, biyo yaraan, ciriiri waddooyinka ah, khashin yaalla meel kasta iyo hawo wasakhow iwm.

    Muddadii uu xilkaasi hayey oo ahayd 1994-kii ilaa 1998-kii wuxuu xaliyey dhammaan dhibaatadii ka jirtay magaalada Istanbuul. Wuxuuna sameeyey toddoba Buundo oo keenay in laga baxo ciriirigii waddooyinka. Shacabka reer Istanbuul ayaa u riyaaqay qorshihiisa. Taasoo keentay inay kor-u-kacdo sumcadiisu. Waxa kale oo ku guulaystay shahaado caalami ah oo ay bixiyaan Qaramada Midoobay.

    – Sanadkii 1998-kii dabayaaqadiisi ayaa lagu xukumay toban bilood oo xarig ah, kadib markii ay xoogeysteen xisbigii Cilmaaniyiinta ahaa, waxaana waxba kama jiraan lagu tilmaamay Dastuurkii dalka Turkiga. Waxaana amar lagu siiyey inaanu ahayn duqa magaalada Istanbul. Waxaanu xukunkiisu dhammaaday horaantii sannadkii 1999-kii.

    –  Sanadkii 2001-dii ayuu aasaasay xisbiga cadaalada iyo horumarinta ( AKP)

    –  Sanadkii 2002-dii ayuu xisbgia cadaalada iyo horumarintu ku guulaystay saddex-meelood meel kuraasta baarlamaanka. Una dhiganta 34% cododkii la dhiibtay. Laakiin Erdogan muu noqon Raysal-wasaare, waayo muu haysan aqlabiyad uu ku noqdo Raysal-wasaare. Waxaan wakhtigaasi Raysal-wasaare noqday Cabdalla Gul.

    –  Sanadkii 2002-dii dabayaaqadiisi ayey maxkamada sare laashay jiritaanka doorashadii baarlamaank ee sannadkaasi dhacday, taasina waxay fursad qaali ah u noqotay Erdogan, waxaanay u suurtagalisay inuu noqdo Raysal-wasaaraha dalka Turikga. Taasina waxay ka dhigtay xisbiga ( AKP) kii ugu horeeyey ee soo dhisa dawlad xisbi keliya ah.

    –  Sanadkii 2007-dii doorashadii baarlamaanka ayaa la qabtay waxaana mar labaad guulaystay xisbiga Erdogan(AKP). Arrintani waxay noqotay taariikhda markii ugu horaysay muddo 52 sannadood ee xisbi laba jeer guulaysto. Waxaana mar labaad Raysal-wasaare noqday Erdogan.

    –  Sanadkii 2011-kii waxaa dhacay doorasho guud dalka oo dhan. Waxa mar saddexaad guulaystay xisbiga (AKP). Ka dib xisbigii ayaa mar saddexaad dib u magacaabay Raysal-wasaare Erdogan.

    – Sanadkan 2013-ka waxa dalka Turkiga gaar ahaan magaalada istaanbuul ka dhacay rabashado gilgilay siyaasad Raysal-wasaare Erdogan iyo dawladiisa. Arrintan ayaa la saadaalinaayey inay u dhamaatay Raysal-wasaare Erdogan iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed, balse wuxuu ula tacaalay si xirfad iyo dabac ku jiro, taaso soo af-jartay duufaanadii siyaasadeed ee ku kacay.

    – Sanadkan 2016-ka; Wuxuu ka badbaaday isku day lagu afgembi lahaa oo naftiisa halis gashay, waxaana olole weyn lagu qaaday koox uu hoggaamiyo wadaad suufi ah oo ku nool Mareykanka, kaasoo lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay afgembiga.

    – Sanadkan 2017-ka; Wuxuu ku guuleystay in la bedelo dastuurka dala Turkiga oo loo bedelo nidaam uu madaxweynaha dalka awoodda ugu weyn leeyahay, halkii uu ka ahaa nidaam Baarlamaani ah, waxaana lagu baaqay doorashooyin lasoo hormariyey oo madaxweyne iyo Baarlamaan.

    – Sanadkan 2018-ka: Wuxuu mar kale ku guuleystay doorashadii taariikhiga ahayd ee 24-ka June ka dhacday dalka Turkiga isagoo noqonaya madaxweyne awood badan leh.

    Doorashada Turkiga Erdogan Taariikhda Erdogan Turkiga
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKooxda Alshabaab oo weerar ku qaaday degmada Qoryooley iyo Amiir laga qabtay oo la dilay
    Next Article Madaxweynaha Somalia oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo