Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Maxaad ka taqaan Soomaaligii gacanta ka geystay sii-deyntii Nelson Mandela..?

    Maxaad ka taqaan Soomaaligii gacanta ka geystay sii-deyntii Nelson Mandela..?

    May 18, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xabsigii mudada dheer la galiyay Nelson Mandela ayaa ahaa dhacdadii ugu weyneyd Afrika qarnigii lasoo dhaafay, iyada oo maalinkii laga siidaayay xabsi ku yaala magaalada Cape Town uu ahaa warkii ugu weynaa ee xilligaas dhacay.

    Balse qisadaasi waxaa qeyb ka ahaa nin Soomaali ah oo mas’uuliyadiisa ay ahayd in xoriyadiisa uu dib u helo Mandela, islamarkaasna uu waanwaan dhexdhigo dadka madoowga iyo kuwa caddaanka ee dalka Koonfur Afrika.

    Cabdirixiim Caabbi Faarax, oo dhawaan geeridiisa lasoo xaqiijiyay, ma ahayn nin Soomaalida oo kaliya dhexdooda caan ka ahaa, balse waa dadka tirada yar ee Soomaaliyeed ee magaca weyn ku dhex lahaa beesha caalamka.

    Muddo dheer ayuu u shaqeeyay Qaramada Midoobay, isaga oo ka gaaray illaa heerka ku xigeenka Xoghayaha Guud .

    Waxyaabaha aadka loogu xusuusto Danjire Cabdirixiin waxaa ka mid ah markii Qaramada Midoobay u magacoowday guddoomiyaha guddigii la dagaalanka midab kala sooco, kaas oo loo xil saaray arrimihii ka taagnaa dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay ka jirtay dowlad ku dhisan midab takoor, wuxuuna guddiga markii dambe ku guuleystay in xabsiga laga sii daayo Nelson Mandela oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo madoow ah ee dalkaas.

    Cabdirixiin Caabbi

    Isaga oo ahaa ergeygii joogtada ahaa ee Soomaaliya u qaabilsanaa Qaramada Midoobe, Mudane Caabbi waxa uu beesha caalamka ka dhex noqday shaqsi saamayntiisa aad u badantahay.

    Laga soo bilaabo sanadkii 1979-kii illaa 1990-kii waxa uu soo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

    Waxa uu noqday shir guddoonka golaha ammaanka sanadkii 1972-dii, isaga oo sidoo kale Soomaaliya wakiil uga noqday Jaamacada Carabta, halkaas oo hormuud ka ahaa dadaalo waanwaan Bariga Dhexe oo kala duwan. Danjire Cabdirixiin waxa uu ifka kaga tagay 3 carruur ah.

    Mudane Caabbi waxa uu dhashay sanadkii 1919-kii, wuxuuna ku dhashay dalka Ingiriiska, halkaas oo uu aabihiis degey xilligii gumeysigii Ingiriiska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka talinayeen.

    Isaga oo 98 jir ah ayuu ku dhintay magaalada New York ee dalka Maraykanka halkaas oo uu degenaa tan iyo intii uu hawlgabka noqday sanado badan ka hor.

    Cali Cabdi oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska ayaa murugo iyo tiiraanyo ka muujiyay geerida Caabbi.

    “Kaalintii uu ka ciyaaray adduunka, gaar ahaan Koonfur Afrika wuxuu ahaa mid weyn, qof wuxuu ahaa dadka kale la shaqayn kara, carruuraha waa in iskoolka loogu dhigaa taariikhdiisa” ayuu yiri Cali.

    Duqa magaalada Vale Of Glamorgan Mr. Leighton Rowland ayaa sheegay in Dr Caabbi uu gaaray guulo aad u waaweyn oo nolosha ah, waxna ka qabtay arrimo badan “Soomaalida waxaa ka baxay hoggaamiye sare” ayuu intaas raaciyay.

    Danjire Cabdirixiin Diblomaasi Caabi Nelson Mandela South Africa
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMushariixinta Madaxweynaha Puntland oo ku biiray Abaabulka dagaal ee ka socda Aagga Tukaraq ee Gobolka Sool
    Next Article DEGDEG: Arday lagu laayey toogasho ka dhacay Dugsi Sare oo ku yaalla dalka Mareykanka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo