Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Maxaan ka baran karnaa booqashadii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ee Puntland?

    Maxaan ka baran karnaa booqashadii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ee Puntland?

    January 16, 20184 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Booqashadii uu dhawaan Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ku yimid Puntland waxaa lagu soo dhoweeyey si heer sare oo aan loo kala harin, waxayna muujisay taagero niyadda kasoo go’day, shacabkuna soo dhawayntaasi kama lahayn dano u gaara aan ka ahayn dareen ka dhex-guuxaya oo ah inay u heelanyihiin dolwad dhexe oo awood leh oo shaqaysa, sharaftii, karaamadii, iyo kala danbeyntiina dib u soo celisa.

    Waxaa ifaafale wanaagsan muuijinaya in shacabku bisayl dhinac walba ah gaaray, uuna ka gudbay wax inuu ku qiimeeyo waxyaala aan dan ugu jirin (sida qabiil iyo danaysi ) oo aan saamayn toosa ku yeelanayn oo aan taabanayn nolashiisa.

    Shacabku maanta waxa uu gaaray heer wax uu ku qiimeeyo, yaa daacad ii ah? yaa dareenka ila wadaaga? yaa nolashayda wax ka baddalaya?, yaa haybaddi iyo sharaftii dowladeed soo celinaya?, yaa amnigayga sugaya? yaa ii fududeynaya gooba caafimaad tayo leh oo aan awoodo? yaa waxbarasho tayo leh oo dadku wada awoodaan hirgalinaya oo uusan qofna uga baaqsanayn waxbarashada inuu sabool yahay?

    Booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweyne Farmaajo ku marayay deegaanada kala duwan ee Puntland oo loogu magacdaray “Socdaalkii dib-u-heshiinta” Waxaa iiga soo baxay in;

    1. Gobollada Puntland ay ku wayntahay Somaalinimada, u qareemidda midnimada ummadda, ku hal-adkaanta wixi danta guud ah oo in badani cod iyo cududba ay ku muujiyaan hirgalinteeda,taasina waxaa nagaga filan dhacdooyin badan oo ku taxan sooyaalka taariikheed ee na soo maray waxaana ka xusi karnaa.

    · Halgankii Daraawiishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxmed Cabdalla Xasan saldhig waxaa u ahaa Gobollada Puntland , bilawgii halgankaasi soo dhowayn balaadhan ayuu kala kulmay degaanka, markuu halgankiisi kaweeciyay tubtii toosnayd , seeftiisii cadawga ku wajahnaydna ay noqatay mid maatada shacabka iyo maxasta lagu warjeefo, tani waxay keentay in aan loo dulqaadan goboodfalladii, waxaana lagaga hor yimid guluf dagaal, waana sababtii ugu waynayd ee keentay in ay soo afjaranto dagaaladii uwaday Sayidku.

    · Waxaa kaloo xusid mudan in Puntland taageero aan kala har lahayn ay umuujiyeen shirkii dib uheshiinta ee Carta iyo dowladdii ka dhalatayba , C/llaahi Yuusuf oo Puntland hoggaaminayay waqtigaa ayaa isku dayay inuu hor istaago rabitaanka shacabka taasina waxay kala horyimaadeen diidmo go’aankii uu ka qaatay hoggaankii markaa jiray,

    Waxaa nasiib darro noqotay in dowladdii Carta ee loo hanwaynaa ay ku horkuftay jilaaftooyin ay maleegan qabqablayaal markaasi awood ku lahaa caasimadda , C/qaasimna dhiniciisa ayuu qayb ka ahaa burburkaa , kadib markuu ka weeciyay maamulkiisa hadafki loo dhisay uuna ka qayb qaatay weerarkii lagu qaaday Kismaayo oo beelaha u dhaxeeyay, tani waxay keentay in shacab waynaha Puntland ay kala laabtaan kalsoonidi ay siiyeen C/qaasim.

    Hordhacaas ka bacdi, xilli taariikheedkan taagan markale ayey reer Puntland waxay cusboonaysiinayaan halganka ay ugu jiraan raadinta dowlad Soomaaliyeed oo shaqaysa, waxayna si la yaab leh oo kal iyo laab ah , qiiro wadaniyadeed ku dheehantahay u soo dhoweeyeen Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxaa iswaydiin mudan , shacabku taageerada intaa le’eg ay umiijiyeen maxaa keenay ? waa maxay farriinta ku dahsoon taageeriddaan soo wada jiidatay indhaha guda iyo dibadba? maxay kusii socon kartaa, maxaase caqabad ku noqan kara?

    Su’aalaahaas iyo kuwa ka badanba waa kuwa ka dhex-guuxaya muwaadin kasta oo jecel rabana inuu arko dowladnimadii oo ka guuleystay fowdada dowlad la’aanta.

    Taageeradaa waxa ay ku timid ka dib marki madaxwaynaha la arkay daacadnimadiisa, niyad wanaagiisa, inay dadka u simanyihiin iyo inay ka go’antahay haybaddii iyo sharaftii ummadda inuu dib u hanto.

    Shacabka Puntland waxay direen farriin xambaarsan dhambaallo wadaniyadeed Inay horumuud u noqonayaan waddo kasta oo saxsan oo dowladnimo lagu baadi goobayo.

    Inaysan aqbalayn mucaarad danayste ah oo shilimaadku uu kala mug weynyihiin Dowladnimada iyo Qaranimada.

    Waxyaalaha fashilin kara maamulkaan oo uu ku waayi karo Madaxwaynuhu shacabiyadda uu ka kasbaday shacab weynaha waxaa ka mida:-

    · Asagoo ka run sheegi waaya qorshayaashii uu shacabka la wadaagay oo la yimaada ficillo hareer marsan wixi laysla ogaa.

    · Dhulkuu maray Madaxweynuhu waxaa looga baahanyahay horumar mashaariiceed sida waddooyin laamiya, dekado, garoomo diyaaradeed, dugsiyo, isbitaalo, iyo wax allaale wixii dowlad adeeg bixin jirtay haddii laga waayo oo dowladdisu fadhiid ku noqoto Muqdisho ayaduna waxay keenaysaa rajo beel iyo fursad kale oo naga lunta, saas daraadeed bay magaalo kasta uga codsanaysay Madaxweynaha inuu mashaariic u dhagax dhigo.

    · Kooxdii kala shaqeysay inuu ku guulaysto Madaxweynanimada, oo ka awood bata madaxwaynaha lana soo baxa qorshayaal u qarsoonaa oo ay ku mashquulaan hanti aruursasho iyo boob , colaadin beeleed iyo u adeegidda dan shisheeye.

    Xiligaan la xardhay qormadaan waxaa dhow Sanad jirsigii xilka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo illaa hadda tubta toosan baan cagta ku haynaa ilaahay waxaan ka rajaynaynaa dowladnimo sax ah iyo caddaalad na wada deeqda.

    Qore: Liibaan Axmed Shire 
    Email: [email protected]

    Farmajo Puntland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo lagu hor istaagay Degaanka Godinlabe & Wararkii ugu danbeeyay
    Next Article DEGDEG: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo