Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta hoygiisa magaalda Muqdisho ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay Xaaladaha Siyaasadeed ee dalka ka jira iyo dhinacyada Amniga ah iyo xiriirka xumaanaya ee Dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada ku shiray magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen xubno ku dhow Madaxweyne Waare.
Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu taageero u balanqaaday madaxweyne Waare oo wajahaya mooshin la doonayo in xilka looga qaado, kaasoo la tuhunsan yahay inay ka danbeyso dowladda federaalka sida uu ku eedeyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.