Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay munaasabadda 12- April ee asaaska ciidamada Xoogga Dalka.
Qoraal kasoo baxay ayuu ku sheegay in maanta oo ah 12-ka Abriil 2021 kuna beegaan maalintii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo dhammaan Ciidanka xoogga dalka, oo ay ugu horreeyaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasaskooda, carruurtooda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada.
“Ciidanka Xooggu waa astaan qarannimo iyo midnimo, waxay u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan argagixisada cadawga ah ee ka macaasha daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed” ayuu Farmaajo ku yiri qoraalkiisa.
Wuxuu intaas ku daray: “Runtii weli ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin waxaan si xooggan u sii amba qaadeynaa qorsheheenna qaran ee ku aaddan dib-u-dhiska ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda u hanan kara amniga, xoreynta iyo difaaca dalka.Dowladdu waxay sii xoojisay kor u qaadidda tababarrada Ciidanka, joogteynta iyo kordhinta mushaharkooda”.
“Tan iyo markaan bilownay dardar-gelinta Qorshaha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada waxaa heegan u galay, kuna biiray Ciidamada Xoogga Dalka kumannaan dhallinyaro ah oo si wadaniyad leh ugu istaagay samatabixinta iyo difaaca dalka, taas oo muujinaysa sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay xaqiijinta Qarannimadooda iyo difaaca karaamadooda”
