Shirkii maanta ee madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee ay qabanqaabisay ayaa la filayaa inuu goor dhow ka furmo Teendhada Afisyoone ee Garoonka Muqdisho.
Shirkan oo la sheegay inuu yahay hordhac xal looga gaarayo khilaafka doorashada iyo ajendaha shirka ayaa ugu horeyn waxaa saaka gaaray goobta shirka Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Waxaa kaloo shirka gaaray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish. Waxaa kaloo shirka gaaray madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, iyo K/Galbeed, waxaana la sugayey madaxda Jubbaland iyo Puntland.
Goobta shirka waxaa tegay saraakiil ka socota Jubbaland iyo Puntland si ay u hubiyaan in la dhaqan geliyey heshiiskii Amniga Goobta shirka oo AMISOM ay sugeyso, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu gaaray Goobta shirka..
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna la sheegay inuu ugu danbeyn tegay xarunta shirka ee Afisyoone, waxaana bilowday shirkii mudadda dheer hakadka ku jiray.
Waxaa shirka loo diiday saxaafadda, sidoo kale waxaan ku sugneyn wakiilada beesha caalamka oo si toos ah ula socda wadahadalka..
LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA..
