Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay u safray dalka Congo DR, isagoo maanta la kulamay madaxweynaha dalkaasi Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo.
Kulanka ayaa ahaa mid gaara oo kaliya uu ku wehliyo tarjamaha Madaxweynaha Congo, waxayna Madaxtooyada dalkaasi ay sheegtay in socdaalka Farmaajo lagu qabanqaabiyey codsi isaga ka yimid, isagoo olole ugu jira in la aqoonsado middo kororsiga laga hor yimid ee uu sameystay.
Wadahadalka Farmajo iyo Tshisekedi oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa warar soo baxay sheegayaan inuu ku saabsan yahay qorshe ay Dowladda Qatar ka danbeyso oo lagu doonayo in taageero loogu raadiyo Maxamed Farmaajo.
Warbixinta: Halkan ka akhriso
