Weriyaha caanka ah ee Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa loo doortay Xog-hayaha Guud ee Ururka suxufiyiinta NUSOJ, iyadoo aan wax cod ah loo qaadin, kaddib markii uu is casilay weriye Cali Baashi C/llaahi Cabdi oo la tartamayey.
Guddiga doorashada ururka Suxufiyiinta Qaranka ayaa soo gabagabeeyay shaqo dheer oo maanta oo dhan socotay, iyadoo mararka qaarkood muran xoog leh uu hareeyay doorashada siiba xilka guddoomiyaha oo si weyn loogu loolamay.
149 Saxafi oo ka kala socday qeybaha warbaahinta Soomaaliya isagana kala yimid gobollada dalka ayaa codkooda dhiibtay, iyadoo guddiga doorashada ay qabteen ilaa saddex doorasho oo guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeeno.
Xoghayaha cusub ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macallimmuu oo khudbad ka jeedinayay goobta ayaa doorashada ka dhacday u mahadceliyay dhammaan ergooyinka kala duwan ee ka socday Warbaahinta Soomaaliya.
Macallimuu ayaa ballan-qaaday inuu NUSOJ ku sameynayo isbeddel cusub, wuxuuna hambalyo u diray guddiyada badbaadada ururka iyo kan doorashooyinka.
Dhinaca kale xoghayihii hore ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa war uu soo saaray ku sheegay in doorashada Muqdisho ka socota ay tahay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, isagoo sheegtay inuu yahay xoghayaha sharciga ah ee NUSOJ, isagoo u heysta in ururku yahay mid uu isagu leeyahay.
Wadani.com