Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Hirshabelle»Maxaa Beledweyne ku dhex maray Yuusuf Dabageed & Axmed Macalin Fiqi..? [Qoraal uu faafiyay Axmed Fiqi]

    Maxaa Beledweyne ku dhex maray Yuusuf Dabageed & Axmed Macalin Fiqi..? [Qoraal uu faafiyay Axmed Fiqi]

    July 27, 2016Updated:July 27, 20162 Mins Read Hirshabelle
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Maxay Beledweyne ku dhex maray Yuusuf Dabageed & Axmed Fiqi
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Xisbiga Daljir Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ahaa marti sharaf ka qeybgashay caleemo saarka Ugaas Xasan

    Ugaas Khaliif ayaa qoraal uu soo dhigay bogiisa Facebook ku sheegay inuu handadaad kula kacay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) isagoo dadkii ka soo dhex raadiyay una sheegay inaan xisbi looga baahneyn Beledweyne.

    Sida qoraalka Axmed Fiqi ka muuqata arrinta meesha ka dhacday ma ahayn wax weyn, laakiin Guddoomiyaha Xisbiga Daljir ayaa u muuqday inuu u adeegsanay si uu uga dhigto dacaayad uu magac ku raadsado.

    HOOS KA AKHRI QORAALKA AXMED MACALIN FIQI:


    ANIGA & DABAGEED:

    Annagoo ku guda-jirna munaasabaddii caleemo saarka Ugaas Xasan ee ka dhaceysey magaalada Beledweyne si wacanna u dhageysaneyna khudbadihii duubabka ka soo qeybgalay munaasabaddaas, ayay akhyaartii safka midig ee ugaaska fadhiday waxaa soo abbaaray nin madow oo haraad ka muuqdo kaasoo ku dhawaaqaya Fiqi aawey?

    Martidii oo yaabban ayaa soo tilmaamey, waxeyna indhihii dadkii nawaaxigaas ka ag-dhowaa la socdeen ninka iyo dhaqaaqiisa, wuxuu yimid safkii aan fadhiyey oo ahaa kan saddexaad asagoo si indho la’aan ah u soo dardaray akhyaartii horteyda fadhiday oo isugu jirey xildhibaanno qaran, musharixiin madaxweyne & marti sharaf kale!

    Gacanta ayuu ii soo taagay waan salaamay, Fiqi ma adigaa ayuu daba dhigay? haa ayaan iri, adna ayaan ugu jawaabay? waa guddoomiyaha gobolka Dabageed! soo dhowow ayaan iri guddoomiye! Wuxuu yiri: ” Illaa iyo xalay magaalada Beledweyne magacaada & xisbiga Daljir ayaa la waday” is-daji guddoomiye! maxaa qaldan ayaan ku iri? wuxuu yiri meeshaan xisbi ugama baahnin! waxaan ugu jawaabay, guddoomiye waa lagu soo qalday, warbixin qaldanna waa lagu soo siiyey, ismana naqaan oo waa adigii i weydiinayay dadka, waxaa ila quman marti badan baa kuu joogtee inaad hawlahooda iska xilsaartid, cidda ku soo dirteyna waa qiyaasi karaa, waajibkiina waad gudatay ayaan u sii raacshey!! intaas markaan isweydaarsannay ayaa akhyaartii meesha fadhiday ku qayliyeen illaa meeshii laga dejiyey asagoo sii guraabaasaya.

    Wasiirka amniga, Xildhibaanadii Qaran ee reer Hiiraan, odoyaashii iyo akhyaartii kale ayaa raalli galin iga siiyey dhacdadaas.. waana uga mahadceliyey si weyn..

    Gobolka Hiiraan wuxuu caan ku ahaa soo saarista madaxdii qaranka Soomaaliya, waana hubaa iney weli buuxaan kuwa la mid ah, laakin marnaba looma qabanayo habdhaqankii guddoomiyaha gobolkaas ee shalay.


    Wadani.com

    Axmed Macalin Fiqi Caleemo saarkii Beledweyne Hiiraan Ugaaska Xawaadle Yusuuf Dabageed
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Taariikhda Ex. Xildhibaan Saalax Badbaado & Sida Alshabaab u bedeleen
    Next Article Gaari qarax ka buuxo oo lagu qabtay Hotel ku yaala Suuqa Bakaaraha, Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo