Kulankii maanta ee labada gole ee baarlaamka Soomaaliya ayaa ku soo idlaaday fowdo iyo in mudnayaasha qaar ay ku sigteen inay isu gacan qaadaan.
Kulanka maanta ayaa lagu ansixiyey isbedal lagu sameeyay xeer hoosaadka doorashada guddoonka labada aqal, doorashada madaxweynaha iyo jadwalka doorashada.
Xildhibaannada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay habraaca doorashada guddoonka baarlamaanka, kadibna waxaa la maqlay jug culus oo ahayd hoobiyeyaal lagu weerarray xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa. Ugu yaraan 7 ruux oo u badan askarta goobta ku sugnayd ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka.
Inta uu socday buuqa ayaa waxaa guddoonka baarlamaanka u tagay xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo laga soo doortay Galmudug, gaar ahaan degmada Balanbale. Xildhibaan Kulane ayaa u muuqday mid diidan mudada uu soo bandhigay guddiga baarlamaanka u qaabilsan doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo loo asteeyay inay dhacdo 27-ka April 2022.
Intii uu xildhibaan Cabdullahi Kulane la hadlayay guddoonka KMG ah ayaa waxaa sii garab istaagay oo ay hadal isla dhaafeen xildhibaan Mahad Maxamed Salaad. Waxaa la arkayay xildhibaan Cabdullahi Kulane oo ku xanaaqay Mahad, isla markaana ay labada mudane ku sigteen inay isu gacan qaadaan.
Waxyar kadib waxaa dhinaca kale ee baarlamaanka ka soo kacay xildhibaan Cabdishakur Cali Mire oo si toos ah u abaaray Mahad Salaad. Lama maqli karin hadlada dhexmaray labada mudane, balse xaalkoodu waxa uu gaaray in la kala qabto.
Mahad iyo Cabdishakur oo muddo siyaasadda Soomaaliya ku wada jiray, isla markaana ay deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaan si rasmi ah uga hadal waxa ay isku hayeen.
Waxaa xusid mudan in labadan xildhibaan oo ka wada tirsanaa baarlamaankii kan ka horreeyay ay kala taabacsan yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo mucaaradkiisa.
Mahad Salad oo kulanka kadib qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in qorshaha xildhibaannada ka aragti duwan uu ahaa “isbaaro ay u dhigtaan doorashada guddoonka baarlamaanka”.
Kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaan si qaabeysan loo xirin, waxaana hareeyay fowdo ay bilaabeen xildhibaannada taageersan farmaajo oo diidan in la guda galo doorashada guddoonka Baarlamaanka.
