Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Maxay ka dhigan tahay Doorashada C/wali Muudey iyo Mahad Cawad (Faallo xasaasi ah)

    Maxay ka dhigan tahay Doorashada C/wali Muudey iyo Mahad Cawad (Faallo xasaasi ah)

    January 13, 2017Updated:January 13, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maqaalkan waxaan ku falanqeynayaa aragtideyda ku aadan doorashada Guddoomiye Ku-xigeenada Baarlamaanka waxa ay ka dhigantahay, sababaha Mudey iyo Mahad u sahashay inay guuleystaan iyo siyaasadaha ku xeeran tartanka doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.

    11kii January 2017 waxaa la doortay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, maanta oo ah 12kii January waxaa la doortay Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad oo loo kala doortay Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad oo labadaba horey u soo qabtay xilalka loo doortay. Mudey waxuu horey u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka sanadihii 2010 – 2012, haddana waxuu uu ahaa wasiirka Wasaarada Shaqada & Shaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Mahad Cabdalla Cawad ayaa isagana Janaayo 2012 loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadii Cabdiweli Gaas, ka dibna August 2012 waxaa loo doortay Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka oo haddana dib loogu doortay xilkaas. Arrintan waxey na tuseysaa marka la fiiriyo Jawaari, Mudey iyo Mahad in Xildhibaanada Baarlamaanka ay markan doorbidayaan dad shaqo soo qabtay oo waayo arag ah lehna khibrad ay horumarka dalka ka jira horey u sii dar-dargeliyaan.

    Hasse yeeshee dhanka kale waxaa iyadana jirta arrimo badan oo siyaasad ah oo ku xeernaa doorashadii maanta oo la mid ah tii guddoomiyaha ee shalay. Haddaba arrimahaas maxaa ka mid ah?

    Xulashada Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey waxaad moodaa in kooxo is-biirsaday ay u xusheen si looga guuleysto Faarax Cabdulqaadir oo ahaa musharax lagu tuhunsanaa inuu codad badan heysto. Cabdirashiid Xidig oo shalay markii laga guuleystay qiray inuu doonayo inuu hormuud ka noqdo isbedel ayaa aad u ololeeyey oo musharaxiin u tartamayey xilka Madaxweyne ay fursad u noqotay ay isku biirsadaan iyagoo u arkayey in Muudey uu yahay shaqsiga ay uga hortagi karaan joojinta Faarax inuu noqdo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

    Intaas waxaa sii dheeraa Khadiija Maxamed Diiriye oo markii ay tanaasuleysay hadashay ayaa iyadana baaq cad u dirtay xildhibaanadii codka siiyey, tanoo keentay dhammaan codadkii kale ee musharaxiinta kale ay wada aadeen Muudey wareegii ugu danbeeyey.

    Arrimaha kale ee culeyska lahaa ayaa ahaa in Faarax Sheekh Cabdulqaadir loo arkayey tijaabo doorashada Madaxweynaha, abuurtayna cadaadis iyo gaashaanbuursi ku dhisnaa joojinta Faarax. Waxaana muuqata in Faarax codadka 94ta ah ee uu helay ay ahaayeen kuwo si rasmi ah uu isagu haleyn karo, hase yeeshee ku guuleysan waayey mudadii nasashada u dhaxeysay labada tartan inuu gaaro xildhibaanada aan codadka siinin wareega hore, tanoo keentay inuu wareegii ugu danbeeyey ku negaado 93 cod halka hal cod oo halaabay la aaminsanyahay inuu ahaa kii 94aad.

    Mahad Cabdalla Cawad oo horey u soo ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa dib loo doortay. Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad bacdamaa ay jireen 12 musharax waxaad moodaa inaan culeys weyn loo arag oo sida uu tartanka ku xigeenka koowaad u xamaasad badnaa uma xiiso badneyn.

    Si kastaba kala doorashada Mahad iyo Bakhdadi ee wareegii ugu danbeeyey ayaa isagana la oran karaa in Bakhdadi lagu xaglinayey dhanka Faarax, tanoo keentay in Mahad oo saaxiibo badan ku dhex leh Baarlamaanka, khibradiisa iyo galgalkiisa siyaasadeed ka sakow uu helay taageero la mid ah kan uu helay Muudey.

    Dhanka kale waxaad moodaa in doorashadii maanta iyadana aad loogu ilaaliyey nidaamka aan qorneyn ee awood qeybsiga siyaasada. Bacdamaa ay jireen musharaxiin ay ka mid yihiin Qanyare iyo Godax haddana waxaa la isla fahamsanaa in kursiga uu u asteesnaa beel, oo markaad fiiriso wareegii ugu danbeeyey labadii ku tartantay baa tusaale kuugu filan.

    ENG-CABDIRAXMAAN-YARIISOW

    Si kastaba ha ahaatee, waxaa xaqiiqo ah in Jawaari, Mudey iyo Mahad ay dhammaantood yihiin shaqsiyaad khibrad leh, soo shaqeeyey, xilalka ay u tartamayeena soo qabtay, tanoo noqoneysa markii ugu horreysey taariikhda oo aan la doorbidin shaqsiyaad ku cusub siyaasada. Mahad Cabdalla Cawad ayaa arrinkan ka marag kacay oo khudbadiisii mahadcelinta ku sheegay in xildhibaanada cusub ay ku wareeriyeen su’aalo ah maxaad soo qabatay iyo maxaad soo kordhin? Tanoo ku tuseysa in Baarlamaanka cusub uu doonayo in horumarka jira la sii joogteeyo, shaqsiyaadka xilalka Qaran qabanayana noqdaan kuwo leh khibrad, waayo-aragnimo iyo in xilalka ay u tartamayaan lagu soo tijaabiyey. 

    Ugu danbeyntii, doorashada Guddoonka Baarlamaanka waxey ka dhigan tahay in lagu tartamo waxqabad, horumar iyo isla xisaabtan noo horseeda in dalka laga hirgeliyo doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah sanadka 2020ka.    

    By. Abdirahman Omar Osman (Eng Yariisow)

    Baarlamaanka Maxay ka dhigan tahay Muudeey iyo Mahad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: War-Murtiyeed Caawa ka soo baxay Madaxda Madasha Qaran [Xaaladda Galmudug]
    Next Article Beesha Caalamka oo mowqif la yaab leh ka qaadatay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo