Waxaa caawa magaalada Jabuuti lagu saxiixay is-afgarad dhex maray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kadib muddo 3 maalmood ah oo kulamo muddo qaatay u socdaan labada Guddi ee labada dhinac.
Munaasabadda saxiixda waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yusuf oo dhexdhexaadinayey labada dhinac, waxaana la kala saxiixday Is-afgrad laga gaaray qodobo si weyn looga dooday oo intooda badan ahaayeen dhaqangelinta heshiisyo hore oo Somaliland ay dooneysay.
Qodobka ugu adag ee waqtiga qaatay wuxuu ku saabsanaa isu socodka dadka labada dhinac oo ay ku jiraan siyaasiyiinta, taasoo keentay inuu shirku hakad galo oo la isku mari waayo, waxaana markii danbe la kala saxiixay is-faham oo nuxurkiisu yahay in lasii wado wadahadalka labada dhinac.
Is-fahamka la kala saxiixday (Minutes), waxay kala yihiin:
1. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan
2. Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac.
3. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti.
4. Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti.
5. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.
Dhamman Saddexdaa guddi 15 cisho kadib waxay ku kulmi doonaan Jabuuti, waxaana lagu magacaabay guddiyadaasi (Technical sub committee) Guddida guud ee farsamado ee wada-hadalada oo lagu magacaabo (Joint Ministerial Committee), waxayna 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan waxqabadka guddi hoosaadyada.
Waxaa muuqata in shirkii Jabuuti aan waxba lagu heshiin ee dhammaan arrimihii la isku hayey guddi loo sameeyay oo dib loo dhigtay markii la isku mari waayey, si loo muujiyo in heshiis la gaaray.





