Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Maxay Siyaasiyiinta H/Gidir uga hor yimaadeen Musharax C/raxmaan C/shakuur..? (Tartanka Doorashada)

    Maxay Siyaasiyiinta H/Gidir uga hor yimaadeen Musharax C/raxmaan C/shakuur..? (Tartanka Doorashada)

    June 7, 2021Updated:June 19, 20214 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, ahna xubin ka mida Midowga Musharixiinta ayaa si toos ah keligiis uga hor yimid qaabka Xukuumadda xilgaarsiinta u kala saartay Guddiyadii Doorashada e cabashada laga qabay.

    Go’aanka uu keligiis qaatay C/raxmaan C/shakuur inkastoo uu bannaanka soo dhigay khilaafka kala aragti duwanaashaha ah ee u dhaxeeya xubnaha Midowga Musharixiinta, haddana wuxuu si weyn uga muujiyey in siyaasiyiinta Beesha H/Gidir ay intooda badan ka horjeedaan Musharaxan la wada qirsan yahay inuu tartanka adag soo galay af iyo addin-na kula jihaaday Maxamed Farmaajo.

    C/raxmxaan C/shakuur

    Siyaasiyigii ugu horeeyay ee ka hor yimid Aragtida C/raxmaan C/shakuur wuxuu noqday Musharaxa kale ee ay isku beesha kasoo wada jeedaan C/kariin Xuseen Guuleed oo ay ku tartamayaan inuu mid kasta noqdo musharaxa beesha ee Kursiga Madaxweynaha, isgoo u arkay fursad uu ugu dhowaan karo Ra’iisal wasaaraha.

    Aragtida C/raxmaan C/shakuur oo inteeda badan waxay ahayd mid sax ah iyo go’aan ay ahayd inuu qaato Golaha Midowga Musharixiinta, balse uu la degdegay xaalad isaga u gaara darteed, waxaana hadda adkaaneysa inay Musharixiintu isla qaataan mowqifkiisa.

    “Ma jirto talo laga geliyey ciddii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha. Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay” ayaa ka mid ahaa qoraalkii C/raxmaan C/shakuur soo saaray.


    C/kariin Xuseen Guuleed

    Daqiiqado kadib waxaa jawaabay oo Ra’iisal wasaare Rooble ka xigsatay musharax C/kariin Xuseen Guuleed oo qoraalkiisa ku yiri: “Waxaan soo dhaweynayaa go,aanka gudiga heer wasiir ee kala shaandheynta gudiga doorashooyinka. Anigoo u arka in ay gudigu dadaaleen, muujiyeena faafreeb ilaa xad lagu kalsoonaan karo. Waxaan soo jeedinayaa in hore loo socdo, si dalku u galo doorasho horseedda daganaasho iyo xasilooni siyaasadeed”


    Xildhibaan C/xakiin Macallin Axmed oo xilli danbe ka mid noqday taageerayaasha Farmaajo, una dhow Rooble wuxuu isagu soo bandhigay halka sartu ka quruntay, wuxuuna u muuqday nin ku faraxsan sida ay wax u socdaan oo cadaawad gaara u haya Musharax C/raxmaan C/shakuur, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri:

    “Sida uu shaaciyay guddigii uu Ra’isul wasaaruhu u xilsaaray kala shaandhaynta xubana guddiyada doorashooyinka ee lagu muransanaa, Waxaa Madaxwayne Ahmed QoorQoor Madaxwaynaha Galmudug laga codsaday in uu soo Magacaabo xubanaha shanta ah ee loo gartay in aysan buuxin shuruudihii madax bannanida ee laga rabay Guddiga doorashada. Xubnaha kale ee aan la tilmaamin ama aan lagu sheegin wax cillad ah waxaan u rajaynaynaa in ay noqdaan kuwa shaqadooda u guta si hufnaani ku jirto, sigaar ah waxaan halkaan ugu xusayaa sxbkeey Mohamed Dahir Guled oo ahaa Guddoomiyaha Guddigii Doorashada ee Galmudug”


    Ma jiro weli Siyaasi ama Xildhibaan kasoo jeeda Beesha H/Gidir oo taageero u muujiyey C/raxmaan C/shakuur, balse taas bedelkeed waxay muujiyeen inay ka horjeedaan ama ku faraxsan yihiin in la go’doomiyo.

    Axmed Macaalin Fiaqi

    Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi wuxuu si toos ah u taageeray Guddiga RW Rooble ee kala saaray Guddiyada Doorashada, taasoo si cad u muujineysa inuu ka horjeedo aragtida C/raxmaan C/shakuur “Waxaan bogaadinayaa shaqada guddiga heer wasiir ee RW Rooble u xilsaaray kala shaandhaynta xubnihii guddigii doorashada ee cabashada laga keenay iyo go’aanka ay ka gaareen. Inkastoo dhallinyaro Soomaaliyeed ay ahaayeen xubnaha liiskooda la celiyey oo aan colaad gaar ah loo qabin haddana in dalka doorasho lagu kalsoon yahay ay ka dhacdo ayaa ku xirantay ayna lagama maarmaan noqotay in isbedel lagu sameeyo”.


    C/raxmaan Odowaa

    Xildhibaan C/raxmaan Odowaa ayaa istaagay meel dhexdhexaad ah, wuxuuna doortay inuu arrinta ka hadlo, laakiin aanu mowqif ka qaadan, wuxuuna qoraal uu dhinac kale u rogay ku yiri: “Guddigii doorashooyinka in laga reebo 35 qofood oo cadaymo lagu helo(Shaqale, NISA, CBB) waxa ay cadeeyn u ahayd awood maroorsigii iyo musuqmaasuqii Farmaajo heerka uu gaarsiisnaa”


    Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo xubin firfircoon ka ahaa Midowga Musharixiinta wuxuu maalmo dhoweyd ka carooday qoraal ay isla qaateen inta badan Musharixiinta oo lagu cambaareyay RW Rooble, taasoo uu cadaawad uga kasbaday xubno ka mida Guddiga, balse maanta wuxuu keligiis ku noqday xaalad ay ahayd inuu saaxiibadiisa garab uga helo.

    Waxaa soo baxday inuusan C/raxmaan C/shakuur taageero ka heysan siyaasiyiinta Beeshiisa, haddana uu sii luminayo Ra’iisal Wasaarihii uu rabay inuu dhinaciisa soo maro, waxaa kaloo muuqata inay wax badan uga xumaanayaan degdegga uu ku wajaho xaaladaha qabsada.

    Ma dheera xilliga uu C/raxmaan C/shakuur noqon doono musharaxa ugu horeeya ee ka baxa Midowga Musharixiinta ama uu keligiis qaadaco Doorashada haddii aan xal loo helin xaaladan, waase musharax miisaan leh oo rajadiisa ku xiran tahay taageerada Soomaalida mabda’ ahaanta ugu hiilisa.

    Warbixinta Wadani.net

    C/kariin Guuleed C/raxmaan C/shakuur C/raxmaan Odowaa Doorashada H/gidir Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo Lacag ka badan 100-kun Doollar Diyo ahaan uga qaadatay Beesha Muddulood ee Sh/Hoose
    Next Article Kulan dhex maray RW Rooble iyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya (Taageero laga codsaday UAE)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo