Maxbuus ku eedeysan Shabaabnimo oo ku jiray xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa si la yaab leh loogu dhex dilay Xasbiga kadib markii ay dagaalameen maxbuus kale.
Wararka laga helayo Xasbiga Dhexe ayaa sheegaya in maxbuuska dhintay lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Xasan (Xasan Kaafi), waxayna geeridiisa ka danbeysay kadib markii Ciyaar kubadda Cagta ay ku murmeen Maxbus kale oo lagu magacaabo Biibi, kaasoo neefta ku xiray, iyadoo markaas kadib maxbuus kale oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Jareere uu irbad uga durau meel halis ah.
Geerida ninkan ayaanay wax war ah kasoosarin madaxda Xabsiga Dhexe , iyadoo ehelada ninka la dilay ay baaq u direen dowladda Federaalka, waxayna dhacdadan muujineysaa xaaladda Xabsiga Dhexe ka jirta.