Maxkamadda Caalamiga Adduunka ee ICJ ayaa Faahfaahin dheeraad ah kasoo saartay dhageysiga kiiska dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyo habka loo qaadayo.
Maxkamadda ayaa si rasmi ah u faafisay xilliga la dhageysiga dacwadda ee labada bilood dib loo dhigay, waxaana lagu wargeliyey dadkii isu diiwaangeliyay ka qeybgalka kiiska dhegeysigiisa in mar kale ay dib isu diiwaangeliyaan si online ah.
Dadka daneynaya ka qeybgalka dhegeysiga kiiska ayaa heysta ilaa 24ka Bisha October, iyadoo wixii ka dambeeyanaya aan codsigooda la aqbali doonin.
Maxkamadda waxaa ay dhegeysiga billaabi dontae Isniin 4-ta November waxaana maalintaas iska leh Soomaaliya oo hadli doonta 10:00AM ilaa 1:00PM iyo 3:00PM ilaa 4:30PM Galabnimo.
Dhinaca kale maalinta Arbacada ,waxaana ay Kenya hadli doontaa 10:00AM ilaa 1:00PM iyo 3:00PM ilaa 4:30PM Galabnimo.
Maalinta 2aad ee Soomaali ahna maalinta 3aad ee dhegeysiga ayaa ku beegan Khamiis 7da Bisha November, waxaana uu dhegeysiga Soomaaliya soconayaa 3:00PM ilaa 4:00PM galabnimo.
Maalinta 2aad ee Kenya ahna maalinta ugu dambeysa dhegeysiga kiiska ee 4aad waa Jimco 8dda November waxaana ay Kenya hadleysaa 3:00PM ilaa 4:00PM galabnimo.