Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ayaa u yeertay wakiilada dalalka Somalia iyo Kenya, kadib codsi cusub oo dowladda Kenya ay u gudbisay Maxkamaddaasi, kuna saabsan in dib loo dhigo dhageysiyada dacwadda Xuduudda Badda labada dal oo Kenya ka cago jiideyso.
Dolwadda Kenya ayaa codsi cusub u gudbisay Maxkamadda ICJ, kaasoo ay ku dooneyso in dhageysiga Dacwadda Badda labada dal ay Maxkamadda dib u dhigto ilaa September sanadka 2020, waana dalabkii labaad ee Kenya u gudbisay ICJ markii laba bilood oo qura dib loogu dhisay dalabkeedii hore.
Somalia waxaa metelaya Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareeno u doodaya Somalia oo la sheegay inuu ku gaaray xarunta maxkamadda ICJ ee magaalada Hague ee dalka Holland, halka dowladda Kenya ay Maxkamadda u dirtay Qareenka Guud ee dalkaasi Kennedy Ogeto, waxaana ay la kulmeen Garsoorayaasha maxkamadda ICJ oo dhageysatay fekerka labada da ee arrintan dib u dhigista dacwaddal, kadibna ay go’aan kasoo saarto dalabka cusub ee Kenya ku dooneyso in dib loo dhigo dacwadda muddo sanad ah.
Dhageysiga Dacwadda ayaa lagu waday inay dhacdo horaanta bisha November ee soo socota, kadib markii codsigii hore ee Kenya dib loogu dhigay muddo laba bilood ah. Dowladda Kenya ayaa olole weyn u gashay inay carqabaleyso Kiiska Dacwadda Badda ee horyaalla Maxkamadda ICJ.