Dacwadda Kiiska Waxaa eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa manta dib uga furmay Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir.
Eedeysanahan oo maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku heshay inuu xaaskiisa si ulakac ah u gubay ayey ku xukuntay Dil toogasho ah, balse rafcaan ayuu ka qaatay, waxaana kiiska uu mar labaad ka biowday Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Rafcaanka ayaa lagu faray dhinacyada uu kiiskan quseeyo inay soo xaaditan dacwadda fadhiga 1-aad ee ka dhanka ah Sayid Cali Macalin Daa’uud.
