Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta Go’aan kasoo saartay Dacwad loo heystay Saraakiil katirsan Dakada muqdisho iyo Ganacsade, kadib markii la horkeenay Maxkamada Gobolka Banaadir.
Maxkamada ayaa Saraakiil ka tirsan Dekadda Muqdisho iyo Ganacsade u Xukuntay in ay wax danbi ah galin kadib markii ay sheegay inuu ku guul dareystay Xafiiska Xeer ilaalinta in ay maxkamadda horkeeno Caddeymo ku filan in lagu helay Eeda ay usoo jeediyeen Muwaadiniintaas.
Maxkamada ayaa 5-Eedeysane Amartay in xuriyadooda dib loogu celiyo Halka ay 2-Eedeysane oo maqanayaal ah ku celisay Dacwadoodo Maxkamadda Darajada 1-aad maadaama aan loo marin Habraaca Dacwadaha Dadka maqan. Sida soo qabasho ama Baafintii IWM.
Eedeysanayaasha dambiga lagu waayay ayaa waxay kala yihiin :Axmed Cabdullaahi Samow, Gaashaanle Maxamed Maxamuud Xuseen, Cali Cilmi Geele, Ciise Faarax Camalow iyo Cali Dhuxulow, kuwaas oo Maxkamada Gobolka Banaadir ay horay ugu riday xukun saddex sano ah ka dib markii lagu eedeeyay isdaba marin dhanka canshuuraha.
Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa aqriyay Go’aaanka Maxkamadda.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horay ugu riday xukun saddex sano ah eedeysanayaasha kadib markii lagu eedeeyay isdaba marin dhanka canshuuraha.






