Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Maxkamadda Sare ee Kenya oo qaadatay Go’aan aan hore loogu arag Qaaradda Afrika [Warbixin]

    Maxkamadda Sare ee Kenya oo qaadatay Go’aan aan hore loogu arag Qaaradda Afrika [Warbixin]

    September 1, 20173 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday doorashadii madaxweynenimada.

    Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarraysa David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.

    Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada, isaga oo ka horreeyay Raila Odinga 1.4 milyan oo cod.

    Laakiin mucaaradka ayaa sheegay in la jabsaday hannaankii combiyutarada guddiga doorashada laguna shubtay natiijada.

    Garsooreyaasha maxkamadda sare ee Kenya

    Go’aankan ayaa ah taariikh cusub oo ay Kenya hoosta ka xariiqday ka dib markii ay noqotay dalkii u horreeyay ee Afrika ku yaalla ee waxba kama jiraan ka soo qaada doorasho madaxweyne.

    Taageerayaasha mucaaradka oo Nairobi ku dabaaldagaya
    Taageerayaasha mucaaradka oo Nairobi ku dabaaldagaya

    Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwadda qaadayay ayaa isku raacay in lagu celiyo doorashada, iyaga oo sheegay in doorashadii 8da Agoosto aysan u dhicin si waafaqsan dastuurka Kenya.

    Qodobbadii saldhigga u ahaa go’aanka maxkamadda

    1. Ku dhawaad saddex meelood meel foomamka way khaldanaayeen. Qaar waxba laguma qorin, qaar isku far ayaa lagu saxiixay, qaar waxay ka yimaadeen xarrumo doorasho oo aan si rasmi ah u jirin, qaar waxaa ka muuqday natiijooyin ka duwan wadarta, sidoo kalena ka duwan tan ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada, kumannaan ma lahayn tiimbareyaal, saxiixyo iyo calaamadaha khafiifka ah ee warqadaha ka dhex muuqda.
    2. Shan malyan oo cod oo ku filan inay natiijada saamayn ku yeeshaan lama xaqiijin.
    3. Baaritaanka qaabka lagu galo kombiyuutarrada guddiga doorashada, maxkamadda waxay u saartay koox soo ogaatay in tiro isticmaaleyaal ah oo aan loo fasixin ay hannaanka gudaha u galeen, ka hor iyo ka dib doorashada.
    4. In guddoomiyaha guddiga doorashada uu galiyey, kana saaray foomamka 34A.
    5. In hannaanka KIEMS ee $24 Malyan joogay ee loogu tala galay in loo isticmaalo in isla markiiba toos loogu soo diro 34A si ay dhinacyada oo dhan u hubiyaan, uu hallaabay dhammaanba xarrumaha codaynta ee dalka oo dhan, sidaa darteedna tirooyinka loo soo diray Nairobi ay badidood yihiin kuwo aan nidaamkaas loo isticmaalin ee lagu soo diray farriin qoraaleedka telefoonka gacanta.

    Arrin naadir ah

    Taariikhda dhaw ee dunida, saddex dal oo kale oo ayay maxkamadahoodu waxaba kama jiraan ka soo qaadeen doorasho madaxweyne, kuwaas oo kala ah:

    Raila and Uhuru 

    Maxay ka dhaheen dhinacyadii ay doorashadu khusaysay?

    Madaxa xisbiga mucaaradka Kenya ee NASA, Raila Odinga shir jaraa’id qabtay go’aanka maxkamadda ka dib ayaa yiri “Xukunkan waa mid noociisu nagu wada cusub yahay, wuxuuna guul weyn u yahay dadka reer Kenya oo dhan, Annagu wax kalsooni ah kuma qabno guddiga doorashooyinka sida uu haatan u dhisan yahay, run ahaantiina intooda badan waxay ahayd inayba xabsiyada ku jiraan. Sidanna kuma daynayno dadkii dambiyadaas waaweyn ka galay dadka reer Kenya”.

    Madaxaweynaha Kenya oo khudbad ka jeediyay dadka Kenya ayaa sheegay “in uu ixtiraamayo go’aanka maxkamadda balse uusan ku qanacsanayn,”

    Madaxweynaha oo ku khudbad ku jeediyay Af Ingiriis iyo Af Sawaaxili “ayaa dadka reer Kenya ugu baaqay in ay nabadda ku dadaalaan oo qofba qofka ku xiga uu gacanta qabsado,”

    Wuxuu intaas ku daray “in dadka dariska ah ay daris sii ahaan doonaan, siyaasigay doonaanba ha taageersnaadaan ee”, wuxuuna aad ugu celceliyay in nabadda lagu dadaalo.

    Dhanka kalana Axmed-Naasir Cabdullaahi oo ah qareenkii matalayay madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay “in go’anka maxkamaddu uu ahaa mid siyaasadaysan”.

    Damaashaad

    Isla markii loogu dhawaaqay go’aanka maxkamadda, taageereyaasha mucaaradka ayaa damaashaad ka billaabay bannaanka maxkamadda, iyo deegaannada kale ee ay ku xoog badan yihiin.

    Taageerayaasha mucaaradka oo dabaaldagaya
    Damaashaad

     

    Kenya Kenya Elections Raila Uhuru
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO SAWIRRO: Alshabaab oo diyaarado Drone ah k soo bandhigtay Damaashaad ka dhacay Jilib
    Next Article WAR CUSUB: Cali C/llaahi Cosoble oo loo caleemo saaray Dowlad Goboleed cusub [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo