Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa maanta xukun ka qaadatay eedeysane ay hore xukun ugu rideen maxamadaha Puntland, kaasoo lagu helay kufsi uu kula kacay gabar yar oo 6 sano jir ah.
Ninkan oo lagu magacaabo Mukhtaar C/kaafi Xersi, da’diisuna ahayd ahayd 36 sano jir qaba cudurka HIV/AIDS-ka, ayaa lagu helay inuu 3 Maarso 2019 denbi ka geystay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, markii uu kufsaday gabar 6 sano jir ahayd oo lagu magacaabo Farax Jaamac Faarax, isagoo qaadsiiyey cudurkii uu qabay.
Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Mudug ayaa 11-kii April 2019 ku xukuntay Dil toogasho ah iyo inuu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya $5000 Dollar oo lagu sheegay qiimaha mag-dhowgii gabarnimo ka qaadista Farax Jaamac u xukuntay eedeysanaha.
Balse rafcaan laga qaaday xukunkaas ayaa keenay in Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Nugaal ay 1-dii Oktoobar 2019 burrisay xukunkaasi, iyadoo eedeysane Mukhtaar C/kaafi Xersi ku xukuntay 20-sano oo xabsi, iyo isla Ganaaxii lacageed ee hore loogu xukumay oo dhan 5000 doolar.
Maxkamadda sare ee Puntland oo ayiday xukunkii maxkamadda rafcaanka iyadoo Mukhtaar C/kaafi ku xukuntay 20-sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $5000.