Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maanta xukun kama danbeys ah ka gaartay khilaafka soo jiitamay ee labada garab u kala qaybiyay xisbiga mucaaradka ee UCID.
Go’aanka waxaa ku dhawaaqay Aadan Xaaji Cali Axmed, isagoo akhriyay go’aanka maxkamadda sare ee Somaliland ka gaartay dacwadii garabyada xisbiga UCID.
Maxkamadda ayaa xukuntay in la qabto shirweyne aan caadi ahayn lixdan maalmood gudahood si loo horgeeyo heshiis ay mar hore labada dhinac wada galeen, iyadoo egrada shirweynahaasi loo raacaayo xeerka xisbiga qodabkiisa 12aad.
Waxay kaloo maxkamadu xukuntay in guddi qabanqaabo oo toban xubnood ka kooban ay hawlgeliyaan labada garab, si is la’egna ay u soo magacaabaan , waxaana marjac u noqonaya gudigaasi hogaanka sare ee xisbiga UCID, wuxuuna yeelanayaa hogaanka sare awoodda go’aannada kama danbeysta ah.
Guddoomiyaha Feysal Cali Waraabe oo garab metela ayaa sheegay in cadaaladdii ay soo baxday, ayna ixtiraamayaan, ayna ku socon doonaan go’aanka Maxkamadda.
Garabka kale guddoomiye kuxigeenka saddexaad Cali Maxamed Yusuuf Gurey ayaa isna sheegay inaysan wax dood ah ka qabin, isla markaana uu yahay go’aan kama danbeys ah.
Wadani.com