Maxkamadda sare ee dalka ayaa laga sugayaa inay dhowaan shaaciso sharcinimada mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo sharcinimada isku shaandheyntii uu Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ku sameeyay qaar kamida golaha wasiirada oo ahayd arrintii qarxisay khilaafka siyaasadeed ee hareeyay dowladda.

Xogta ay heshay Wadani.com ayaa sheegeysa in Ra’iisal wasaare C/weli uu qoraal u gudbiyay Maxkamadda sare ee Dalka isagoo ka codsaday inay sharciga waafajiso, kana soo talo bixiso isku shaandheyntii uu ku sameeyay golaha wasiirada 25-kii Oktoobar ee madaxweynuhu ka hor yimid.
Maxkamadda sare oo muddo laba toddobaad ku dhowaad arrintan loo gudbiyay ayaa lagu wadaa inay dhowaan shaaciso go’aankeeda ku saabsan khilaafka madaxda sare ee dowladda u dhaxeeya oo saameyn xun ku yeeshay golaha wasiirada iyo Baarlmaanka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Avv. Ceydiid C/llaahi ayaa horeba xurguf ugala dhaxeysay Wasiirka Cadaaladda Faarax Sheekh C/qaadir, waxaana laga rajo qabaa in go’aankani awood dheeraad ah siiyo Ra’iisal wasaaraha.
Maxkamadda sare ayaa awood u leh inay sharciga waafajiyo arrimaha khilaafaadka dastuuriga ah ee soo baxa, iyadoo aanay weli dhisneyn maxkamadii howshaas geli lahayd oo ahayd maxkamadda dastuuriga ah.
Wadani.com
Mqudisho- Somalia
[ad name=”HTML”]