Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida aya maant xab si dhee ku xukuntay haweeney lagu soo eedeeyay inay Alshabaab ka tirsaneyd, una qaabilsaneyd xog ururinta iyo keydinta Hubka.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi oo magaceeda Afgarashaduna ahaa “Faadumo” ayaa laga soo qabtay degmada Kaaraan bishii February 2022, waxaana maanta lagu xukumay 15-sano oo Xabsi Ciidan ah.
Denbi baaryaasha aya ashegeay inay Deeqo-Faadumo Alshabaab uga biiray degaanka Ceelasha Biyaha laba sana ka hor 92020, iyadoo ah 28 anojir, kuna dhalatay degaanka Camaaro ee Gobolka Mudug.
Ciidamada Amniga aya gacanta ku dhigay xilli ay ku guda jirtay Warbixin diris Xaaladda Guriga uu deganaa Askari la dilay degmada Kaaraan, kadibna baaris ay sameeyeen Booliiska ayaa laga soo helay Gurigeeda Bam Gacmeed iyo Bistoolad 7 rasaa ah wadata.
Waxay sheegtay inay ku biirista Alshabaab uu ku tashkiiliyay nin saaxiib la’ah Saygeedii hore oo isna Alshabaab ka tirsan laguna magacaabo Cabdullaahi Xasan Yusuf, ayna kala tageen sanadkii 2018-kii.
Deeqa Maxamedd waxay si gaar ah, u qaabilsaneyd keydinta Hubka iyo Hubinta howlgallada Argagixisada. Maxkamadda Ciidamada oo ku riday xukun 15-sano oo Xabsi Ciidan ah ayaa siisay 30 maalmood oo rafcaan ah.
