Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maxkmadda Ciidamada oo Dil toogasho ah ku xukuntay dabley ku eedeysan Dil Nabadoon [Sawirro]

    Maxkmadda Ciidamada oo Dil toogasho ah ku xukuntay dabley ku eedeysan Dil Nabadoon [Sawirro]

    August 22, 20173 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday labo eedeysane oo loo heystay inay dileen oday dhaqameed ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed oo lagu magacaabi jiray Suldaan Hilowle Xeefow Xuseen, kaasoo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

    Xukunka oo dhacay maalintii shalay ayaa Maxkamadda waxaa la horkeenay labo dhalinyaro oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka oday dhaqameedka.

    Xasan C/raxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ayaa warbaahinta u akhriyay xukunka lagu riday maxkamadda, waxaana uu u qornaa sidan:-

    ” Ujeedo:- Xukun Maxkamadeed.

    Taariikhdu markay Ahayd 21/08/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaasha kala ah :-

    1) Xasan Cali Xasan Keeroow 23 jir ah ina edebo xasan ibraahin ku dhashay Bakool.

    2) C/raxmaan Ciise cali fiidoow 20 jir ah ina Shukri sheekh siyaad ku dhashay Xamar degan Dayniile , Kuwaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiyada kala ah in ay ka tirsan yihiin ururk Al-shabaab gaar ahaan qaybta fulisa dilalka gaadmada ah, Sidoo kale eedaysanayaasha waxaa lagu soo eedeeyay in ay dileen 02/11/2016 Marxuum Nabadoon Hilowle Xeefoow Xuseen islagoobta ay dilka ku gaysteena ay ciidanka amniga degmada wadajir ku qabteen iyadoo lagu soo qabtay hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah labo bastoolad makaarof ah iyo hal bambo .

    DOOD DHEER KADDIB.

    Maxkamaddu

    Markay Aragtay:- qiraalka eedaysanayaasha kala ah Xasan Cali Xasan Keeroow iyo C/raxmaan Ciise cali fiidoow ay ka hor qirteen garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyeen in ay ka tirsan yahiin ururka Al-Shabab qaybta fulisa dilalka gaadmada ah isla markaana ay iska soo raaceen labadooda degmada dayniile iyagoo imaaday banaanka masaajid ku yaalo degmada wadajir oo uu nabadoonka ku dukan jiray si ay ugu dilaan halkaas marka la gaaro xiliga salaada, markii uu dilku dhacayna ay kusoo baxeen ciidanka amniga sidaasna lagu qabtay labadoodaba, iyagoo ku hubaysan hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah 2 bastoolad iyo hal bambo.

    Markay Dhagaysatay:-Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay la kulmeen labada edaysane oo dilaya nin oday ah meel masaajidka u dhaw kadibna ay isku dayeen in ay ka baxsadaan goobta iyagoo xabada kusoo riday markii xabada lays waydaartayna ay iyagu dhaawacmeen sidaasna looga qaaday hubkii ay wateen laguna xiray.

    Markay Aragtay:- Dambi muujinta la horkeenay maxkamada horteeda ay ka mid tahay Cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha,qiraalada laga qoray eedaysanayaasha,warqada cadaynta dhimashada marxuumka,sawirka marxuumka iyo hubkii loo isticmaalay falka dilka ah oo ah labo bastoolad oo makaaroof ah iyo hal bambo.

    Markay Dhagaysatay: – Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanayaasha.

    Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in:-

    1- C/raxmaan Ciise cali fiidoow.
    2-. Xasan Cali Xasan Keeroow, ay wada yihiin bambiilayaal galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Hilowle Xeefoow Xuseen .

    Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.

    SAWIRRO

    Dil toogasho Maxkamadda Ciidamada Top Xukun Dil
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAqalka Sare oo si kulul uga hadlay Kharashka Shirkadaha Xajka qaataan, una yeeray 4 Wasiir [Akhriso Warbixin]
    Next Article Akhriso: Wasiirada loo heysto dhibaatada ka taagan Xajka ee hortegaya Aqalka sare

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo