Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan iyo wasiirka Amniga Jubbaland ee baxsadka ah C/rashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa abaabul ciidam ka wada xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ee degmada Beledxaawo.
Labadan mas’uul oo xilliyo kala duwan gaaray degaanada Xuduudka ee degmada Beledxaawo ayaa ka yimid dhinaca magaalada Mandheera ee dalka Kenya, waxayna gacan ka helayaan dowladda Kenya, iyagoo ciidamada daraawiishta ee taageera Jubbaland oo uu halkaasi ku maamul jiray C/rashiid Janan u diyaarinaya inay ka hortagaan ciidamada dowladda.
Warbaahinta Jubbaland ayaa baahisay sawirrada Maxamud Sayid Aadan iyo C/rashiid Janan oo la jooga ciidamadaasi, waxayna sheegtay inay ku sugan yihiin degmada Beledxaawo, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay inay halka ay joogaan ay ahayd duleedka degmada xuduudka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.
Waanwaan ay wadeen odayaasha degaanka oo la doonayay inuusan dagaal ka dhicin labada dhinac ayaa ku guuldarreystay in heshiis la galaan C/rashiid Janan oo diiday in ciidamada taageersan lagu wareejiyo dowladda, kuna xiray shuruudo adag.
Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa ku xigeenkiisa Maxamud Sayid iyo C/rashiid Janan u xilsaaray arrinta Gobolka Gedo si looga hortago qorshaha dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku wareegto gobolkaasi.



