Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya, isagoo faahfaahin ka bixiyay Heshiiskii ay gaareen madaxda Dowladda Federalka iyo afar maamul Goboleed ee u saabsanaa haba doorashad iyo nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya u guureyso.
Madaxweynaha oo ay garab taagnaayeen Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland, K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa sheegay in heshiiska ay xalay gaareen uu yahay Heshiis siyaasadeed oo la marsiin doono habraacyada sharciga ah.
“Cid walba ayey u furan tahay doodda masiirka ummada, Heshiiska aan Xalay aan soo saarnay waa heshiis siyaasaddeed, wuxuuna marayaa dhammaan habraacyadii rasmiga ahaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku celceliyay in Doorasho qof iyo cod ah wax aan ahayn aysan ka dhixi karin Soomaaliya.
“Dalkaan doorasho qof iyo cod ah wax aan aheyn kama dhacayso… wax kasta oo aan ku gaarayno waan sameynaynaa.. Oday ergo soo xulaya, 50 qof oo wax dooranaysa, 101 qof oo wax dooranaya, waan ka gudbeynaa.. Dawlad Hoose ilaa Madaxweynaha Jamhuuriyada shacabkaa dooranaya” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta iyo dadweynaha ugu baaqay inay qaataan oo falanqeeyaan heshiiska la gaaray oo hab cusub u jeexaya Dowladda Somaaliya. “Qofkii xilka dalkaan rabaa shacabka ha weydiisto codka, waan bilaabaynaa, walaalayaal waxaan idin leenahay cabsida aan yareyno, shakiga aan ka baxno.. 33 sano baan ku jirnay siyaasad qariban oo aan meel loo raaco laheyn, Dalkaan dawlad aan daciif aheyn ayaan u soo dhaqaajinay, qofna ma hor istaagi karro, aragtidaas ayaan keenay isaga ayaa ku shaqeynaynaa, Shacabka Soomaaliyeed ayaa go’aanka iska leh”
