Dadka degaanka Siinka Dheer eemagaalada Muqdisho ayaa arkay meydadka afar qof oo xalay la sheegay in la soo dhigay degaankaasi.
Dadkan ayaa la sheegay inay goobta la keenay iyadoo meyd ah, jirkoodana ay ka muuqatay in si xun loo dilay, waxaana lagu arkay dhaawacyo badan oo ka muuqday qeybo kala duwan oo jirkooda ah.
Meydadkan ayaa ahaa wilial dhalinyarro ah sida ay muujinayaan muuqaallada iyo sawirrada laga qaaday, iyadoo rasaas badan ay uga taallo Madaxa iyo qeybta sare ee jirkooda.
Qaar ka mida dadkii meydadaasi arkay ayaa sheegay in xalay lasoo dhigay Qabuuraha degaanka Siinkadheer, iyadoo saaka aroortii ay arkeen dadka degaankaasi oo si weyn uga naxay dadkaasi la dilay.
Ma cadda sababta loo dilay iyo cidda falkani geysatay, iyadoo aan ilaa xilligaasi la aqoon dhalinyarrada meydadkooda xalay lasoo dhigay, degaanka Siinka -Dheer, waxaana arrintan ka hadlin hay’adaha Amniga.
