Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Hotel ku yaalla degmada Xamar-jajab laga helay meydka Sarkaal iyo darawal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.
Warar kala uwan ayaa kasoo abxaya arrintan, kadib markii Meydka Shariif Maxamud Cali (Dofil). caawa laga helay Hotelka Hotel lagu magacaabo Ridwaan oo ku yaalla degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Denbi baarista ayaa qaaday Meydka Marxuumka, iyadoo baaritaan lagu sameynayo Meydka Shariif Doofil oo aan la caddeyn sababta dhimashadiisa shakiga abuurtay, iyadoo warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu Hotelka kula kulmay haweeney, kadibna muddo kadib markii ay baxday meydkiisa laga helay qol ka mida Hotelka.
Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku haya kiiskan, waxaana la xiray qaar ka mida maamulka iyo shaqaalah Hotelka.

