Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Midowga Musharixiinta oo ku baaqay in ‘Qas-wadayaal’ loo aqoonsado Farmaajo iyo La-taliyeyaashiisa

    Midowga Musharixiinta oo ku baaqay in ‘Qas-wadayaal’ loo aqoonsado Farmaajo iyo La-taliyeyaashiisa

    September 17, 2021Updated:September 17, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Midowga Musharraxiinta ayaa sheegay inay cambaareynayaan qoraalkii ka soo baxay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaas oo uu ku sheegay inuu hakiyay awooddii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana Midowga Musharraxiintu ay qoraalkaas ku tilmaameen ‘sharci darro.”

    War-murtiyeed goor dhaweyd ka soo baxay Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa u qornaa sidan:-

    Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu si kulul u cambaaraynayaa qoraalkii Dastuurka baalmarsanaa ee 16/09/21 kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo dalka u horseedaya xasarad siyaasadeed iyo qalaalase amni, islamarkaana halis gelinaya qarannimada Soomaaliya. Wuxuu kaloo qoraalkaasi caddayn u yahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisa idlaaday uusan weli ka quusan damiciisii ahaa in uu helo muddo-kororsi sharci-darro ah.

    Sida ku cad Dastuurka dalka, Madaxweyne muddo-xileed buuxa leh ayaan awood u lahayn in uu xil ka qaado, ama shaqo joojin ku sameeyo Raysal- wasaare, kuma sii jiro mid xileedkiisu dhammaaday. Madaxweynaha Muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu si ulakac ah u jebiyey Dastuurka, kamana run sheegin qodobbada Dastuurka 87 iyo 90 ee uu qoraalkiisa ku daliishaday, kuwaasoo meelna kaga qorneyn xil joojin ama xil ka qaadis Raysal-wasaare.

    Haddaba, Goluhu wuxuu caddaynayaa mowqifkiisa ku aaddan qoraalkii kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, wuxuuna u arkaa:

    1- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, kana beensheegay qodobbadiisa. taasoo ka marqaati kacaysa in uusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa ilaalinta Dastuurka unna muuqdo shakhsi aan degenaansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini karin xilka ugu sarreeya ee dalka.

    2- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil, gabbaadna siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiiska, isla markaana carqaladeynayo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka,
    gaar ahaan kuwa xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo labaduba ka dhacaya magaalada Muqdisho.

    3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27-ka Maajo, wiiqana awoodda Raysal- wasaaraha, isla markaana awood gaar ah siiyo shabakado qarsoon oo barbar socda hawlaha Raysal-wasaaraha, kuwaasoo loo qorsheeyey in ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka.

    Goluhu isagoo ka duulaya qoddobka 103aad iyo qodobka 34aad ee Dastuurka iyo heshiiskii 27 Maajo ee doorashooyinka, ayuu soo jeedinayaa qodobbada hoos ku xusan:

    1- In Raysal-wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu dardargeliyo hawlaha doorashooyinka, iyo caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.

    2- In Golaha Wadatshiga Qaran uu shir deg-deg ah isugu yimaado si loo hawlgeliyo qorshaha doorashooyinka, dalkana looga saaro xaaladda kala guurka ah iyo khalkhalka siyaasadeed.

    3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday loo aqoonsado isaga iyo la taliyayaashiisa qaswadeyaal liddi ku ah xasilloonida dalka.

    4- In Ciidanka Qalabka-sida ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda sida uu qabo qoddobka 127 ee Dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo.

    5- In shacabka Soomaaliyeed, Dawlad-goboleedyada iyo beesha caalamkaba ku garab istaagaan Raysal-wasaaraha sidii u uu cadaalad ugu heli lahaa Kiiska Ikraan Tahliil iyo sidii deg-deg loogu qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo jawi xasillooni iyo nabad leh ku dhacda.

    6- In laga fogaado wax kasta oo xasarad iyo dhiillo colaadeed abuuri kara, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda in ay dalka qalalaase amni ka abuurto.

    7- Goluhu wuxuu markasta diyaar u yahay tallaabo kasta oo lagu xoojinaayo amniga iyo xasilloonida dalka.

    Doorashada Farmaajo Midowga Musharixiinta Musharixiinta Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaamul Goboleedyada oo Mowqif dhexdhexaad ah oon la fileyn ka qaatay khilaafka Farmajo iyo Rooble
    Next Article Golaha Amniga Q/Midoobay oo kulan Wadatashi oo degdega ka yeelanaya Xaaladda Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo