Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Maamul Goboleedyada oo Mowqif dhexdhexaad ah oon la fileyn ka qaatay khilaafka Farmajo iyo Rooble

    Maamul Goboleedyada oo Mowqif dhexdhexaad ah oon la fileyn ka qaatay khilaafka Farmajo iyo Rooble

    September 17, 2021Updated:September 17, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa mowqif lama filaan ah oo dhexdhexaad ah ka qaatay khilaafka faraha ka baxay ee Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Kulan degdeg ahaa oo ay khadka Internetka ku yeesheen shanta madaxweyne ee Maamul Goboleedyada ayaa laga soo saara qoraal loogu baaqay madaxda sare ee dowladda inay khilaafkooda ku dhameystaan wadahadal, waxayna sidoo kale caddeyeen inay ku soconayaaan heshiiskii Doorashada ee uu hoggaaminayey Ra’iisal wasaare Rooble, halka ay sidoo kale shaaciyeen shir ay isugu imaanayaan magaalada Garowe.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle; Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa waxay khadka telefoonka uga wada hadleen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.

    Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya oo ah mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro amni iyo dib u dhac dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Sidaa darteed, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda:

    1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka.

    3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh.

    4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021.

    5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah.

    6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan in ay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada.

    7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka.

    Doorashada Farmaajo Maamul Goboleedyada Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXasan Kheyre oo markii ugu horeysay ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil iyo Khilaafka Rooble iyo Farmaajo
    Next Article Midowga Musharixiinta oo ku baaqay in ‘Qas-wadayaal’ loo aqoonsado Farmaajo iyo La-taliyeyaashiisa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo