Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Xasan Kheyre oo markii ugu horeysay ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil iyo Khilaafka Rooble iyo Farmaajo

    Xasan Kheyre oo markii ugu horeysay ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil iyo Khilaafka Rooble iyo Farmaajo

    September 17, 2021Updated:September 17, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaarihii hore, ahna musharax xilka madaxweynaha Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta, wuxuuna soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil.

    Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladda adag ee dalku ku jiro iyo qilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul-wasaaraha xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble.

    “Waraaqda maanta ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday waa mid aan dan u ahayn xaaladda kala-guurka ah ee dalku ku jiro, islamarkaana qalqal gelineysa xasilloonida dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka. Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Ra’iisulwasaaraha xil-gaarsiinta in ay dardar geliyaan habsami u socodka doorashooyinka, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac amni. Madaxda maanta talada dalka haysa waa in ay u hoggaansamaan dastuurka, ilaaliyaanna madaxbannaanida hay’adaha madaxa bannaan sida garsoorka, hanti-dhowrka iyo bangiga dhexe” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Kheyre.

    Wuxuu sheegay in sida ku cad dastuurka ay tahay in xuquuqda muwaaddinka loo ilaaliyo si buuxda. “Waa in kiiska Ikraan Tahliil looga dambeeyaa hay’adaha garsoorka si iyada, waalidkeed iyo shacabka Soomaaliyeedba u helaan caddaalad waafi ah” ayaa ka mid ahaa warka kasoo baxya Ra’iisal wasaarihii hore markii ugu horeysay ka hadlay Kiiska culus ee Sarkaallada ka tirsaneyd Hay’adda NISA.

    Wuxuu si toos ah uga hor yimid Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, isagoo ku tilmaamay mid dib u dhac iyo sharaf xumo u ah dowladnimada curdunka ah iyo geeddi socodka dib loogu xoojinayo hay’adaha dawladda.

    “Lama aqbali karo saxna ma aha in caddaalad u raadinta muwaaddinadan Soomaaliyeed dood la geliyo oo la iska indho-tiro xadgudubka loo geystay. Waa inaan si mideysan uga hor-tagno shaqsi kasta ee diiddan kiiska Ikraan oo hadda hor-yaal caddaaladda” ayuu qoraalkiisa ku caddeeyay.

    Beesha caalamka ayuu ugu baaqay inaysan ka niyad jebin xaaladda dalka balse ay kala shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka dalka.

    Doorashada Farmaajo Kheyre Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRW Rooble oo soo saaray Qoraal Sharci ahaan burburisay Wareegtadii Farmaajo (Akhriso)
    Next Article Maamul Goboleedyada oo Mowqif dhexdhexaad ah oon la fileyn ka qaatay khilaafka Farmajo iyo Rooble

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo