Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Midowga Musharixiinta oo Qoraal aan hore loo arag u diray Dowladaha iyo Ururrada saameynta ku leh Somaliya

    Midowga Musharixiinta oo Qoraal aan hore loo arag u diray Dowladaha iyo Ururrada saameynta ku leh Somaliya

    March 8, 2021Updated:March 11, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa qoraal ay uu cinwaankiisu ahaa “La socodsiinta xaaladda adag ee is-mari waaga siyaasadeed ee halista ku ah qarannimada Soomaaliya” u diray qaar ka mid ah madaxda ururada caalamiga ah iyo wasiiro arrimo dibadeedyada dhowr dal.

    Qoraalkan ayey 15-ka musharax ee golahan u direen dowladaha iyo ururrada saameynta weyn ku leh Soomaaliya, waxayna ku socodsiiyeen heer wasiir arrimo dibaddeed iyo gudoomiyeyaasha urururada kala ah:

    1- Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken
    2- Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell
    3- Xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab
    4- Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu
    5- Guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo
    6- Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen
    7- iyo Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

    Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraalkooda ku sheegay, in xubnaha ay u direen ay doonayaan inay gacan ka gaystaan, in si deg deg ah loo fuliyo hanaan doorasho oo xaqiijinaya doorashooyin baarlaman iyo mid madaxweyne.

    “Tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileeka xafiiska ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, 7-dii Febraayo, Soomaaliya ma laheyn dowlad sharci ah oo dastuur ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Waxa ay sheegeen “in doodda ku dhisan danta shakhsi ee madaxweynihii hore ee ah inuu xafiiska sii joogayo inta laga doorto cid beddesha ay tahay mid aan sax aheyn, sababtoo ah isagaa ay ah sababta ugu weyn ee dib u dhigtay hanaankii doorasho.”

    Golaha Midowga Musharaxiinta waxay sheegeen inay tahay wax laga xumaado in Farmaajo iyo xulafdiisa maamulka ay weli diidan yihiin inay awoodda wareejiyaan, islamarkaana saamileyda kala shaqeeyaan fududeynta doorasho xor iyo xalala ah, sida qoraalka loo dhigay.

    Waxay intaas ku dareen inay rumeysan yihiin in Farmaajo uusan si iskiis ah talada u wareejin doonin, islamarkaana “uu si wadi doono inuu arbusho dadaallada lagu fulinayo hanaan doorasho oo dimoqraadi ah.”

    Waxa ku eedeeyeen Farmaajo in ficalladiisa ay helis gelinayaan xasiloonida Soomaaliya, islmarkaana uu weli diidan yahay inuu si daacad ah ula xaajoodo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, sida qoraalka loo dhigay

    Waxa kale oo ay sheegeen in xoriyadda hadalka caburin lagu hayo islamarkaana uu Farmaajo diiday dibad-bax nabdoon oo lagu damaanad qaaday dastuurka dalka, ayada oo loo adeegsanayo ciidamada militariga.

    Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ururada iyo dalalka qoraalka loo diray ku wargeliyey in ciidamada ay maal-geliyeen ee Soomaaliya laga soo weeciyey dagaalkii Al-Shabaab, loona adeegsanayo caburinta dibad-baxayaal nabadeed.

    Ciidamada ay xuseen waxaa ka mid ah Gorgor iyo Haramcad, oo Turkish-ka ay tababareen iyo Waran oo ay tababareen Mareykanka.

    Qoraalka Golaha Midowga Musharaxiinta waxay ku dalbadeen:

    1 – In Farmaajo uu mas’uuliyadda amniga iyo arrmiha doorashada ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha.

    2 – Inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada ee ku lugta leh weerarka shacab si nabdoon u dibad-baxayey iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka, uuna ka joojiyo ciidamada inay siyaasad ku lug yeeshaan.

    3 – Inuu ballaariyo saaxada siyaasadda, sidaas darteedna kulamada, dibad-baxyada iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee nabadeed la qaban karo ayada oo wax xanibaad ah aysan saarin dowladda.

    Beesha caalamka Doorashada Farmaajo Midowga Musharixiinta Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMuuse Biixi: “Dawlad waqtigeedii dhammaaday, oon sharci u kordhin ayaa ka-talisa Muqdisho, doorashana uma jeeddo”
    Next Article Alshabaab oo Fagaare ku gowracday Nin lagu eedeeyay Basaasnimo iyo Afar kale oo la toogtay.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo