Golaha Midowga musharaxiinta Soomaaliya ayaa shaaciyey inuu fashilmay qorshe muddo kordhin ah oo uu waxay madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib kulan buuq ku dhammaaday oo ka dhacay fadhigii maanta ee Golaha Shacabka.
Afhayeenka Midowga Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulankii xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ay ka war heleen in guddoonku damacsanaa ajende muddo kororsi ah oo ku yimid rabitaanka Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Farmaajo.
Daahir Geelle ayaa sidoo kale ayaa tilmaamay in arrinta mudo kororsiga tahay arrin jirta oo maanta ka fashilantay, iyadoo sidaan oo kale ay dhacday markii xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, xilligaas oo guddoonku bedelay ajendihii horay loogu sheegay xildhibaanada.
“Farmaajo waxaa uu rabaa in uu xukunku ku joogo Qori caaradiisa,t aasina waxay ku dhamaataa in Qorigii la iska qabsado qarabkiina ku dumo.. Qori ayuu kor u sidaa Farmaajo, dad badan ayaa qoriga a hari waayey markii danbena isagaa iska reebay” ayuu yiri Afhayeenka Musharixiinta.
Sidoo kale wuxuu ka halday in musharaxiintu ay maanta la shireen madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee dalka, isla markaana ay u gudbiyeen codsiyada iyo mowqifkooda la xiriira dhowrista habsami u socodka dowladnimada Soomaaliya.