Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Midowga Musharixiinta si kama danbeys ah u dalbaday in la joojiyo Doorashada (Go’aan culus)

    Midowga Musharixiinta si kama danbeys ah u dalbaday in la joojiyo Doorashada (Go’aan culus)

    December 9, 2021Updated:December 10, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Midowga Musharaxiinta ayaa war saxaafadeed cusub kasoo saaray Arrimaha Doorashada iyo xaaladda dalka, iyagoo dalbaday in la joojiyo Doorashada inta laga saxayo qodobbo dhowr ah.

    Qoraal ay caawa soo sareen kadib shirar wadatashi oo u socday ayey ku baaqeen in la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo boobka, loona xaliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

    Waxay kalo dalbadeen in la saxo habraaca doorashada oo ay ugu horeyso in la shaaciyo liiska 135-ta Oday dhaqameed iyo in la xaqiijiyo Ergada doorashada ay yihiin kuwo ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka ee la diiwaan geliyay.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    Golaha Midowg Murashaxiinta wuxuu mar walba u taagan yahay xaqijinta sidii ay dalka uga hirgeli lahayd doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla ogol yahay. Goluhu wuxuu 30 November 2021 u caddeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in uusan qayb ka ahayn, aqbalayna boobka qaawan ee doorashada golaha shacabka ay ku billaabatay.

    Goluhu waxaa u sOcda wadatashiyo ku aaddan sida ugu haboon ee looga hortegi karo boobka lagu hayo doorashooyinka.

    Goluhu wuxuu kala xulanayaa hadba tallaabada ku haboon ee dalka looga samatabixin karo xaaladda adag ee uu marayo.

    Goluhu wuxuu mudnaanta siinayaa in la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashooyinka lagu wado, isagoo taas ka duulaya ayuu Goluhu soo jeedinayaa:

    1-In doorashada la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado, si loo joojiyo boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

    2-In la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado, si ay taas u hirgasho waxaa lagama maarmaan ah;-

    a) In la faafiyo liiska odayaasha dhaqanka 135, iyo guddi- beeleedka soo xulaysa ergada kursi kasta.

    b) In la xaqijiyo ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka, la diiwan geliyo, la faafiyo magacyadooda.

    c) In kursi kasta lagu tartamo isla markaana la mamnuuco malxiiska iyo in shakhsi loo xiro.

    d) In goob kasta oo doorasho ay joogaan korjoogayaal Soomaali ah iyo kuwo caalami ah, iyo saxaafadda madaxa bannaan.

    e) In dib loogu laabto doorashada kuraasta la boobay lana waafajiyo habraaca doorasho ee lagu heshiiyo.  In markii la saxo habraaca doorashada, la soo saaro jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay billaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso doorashada.

    g) In aan baaritaan lagu celin karin xubnihii Baarlamaankii hore, halka tartamaha cusub ee xilka xildhiban looga joojin karo,keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, iyo in lagu hayo fal argagexiso oo caddayn leh.

    h) In murarashaxiinta u tartamaysa kursi kasta ay helaan fursado siman oo ay ergada kursiga kula kulmi karaan, ergadana aan loo didin inay si siman u arki karaan murashaxiinta kursiga

    i) In aan Muqdisho loo soo wareejin karin kuraas deegaan doorasho kale.

    j) In la xaqijiyo qoondada haweenka lana qeexo sida ay ku imaaneyso, si meesha looga saaro hab hawo-raac ah oo goondaynta loogu beegsanayo murashax gaar ah.

    Goluhu wuxuu diyaar u yahay in uu doorashooyinka ka qaybgalo haddii la waafajiyo shuruudaha kor ku xusan. Haddiise la baal maro, lana sii wado boobka doorashada, Goluhu isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee saaran, wuxuu qaadayaa tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah samatabixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan.

    Doorashada Midowga Musharixiinta Musharixiinta madaxweynaha Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamadda Ciidamada Puntland oo soo saartay Amar Culus oo ku socda Madaxda Hay’adda PSF
    Next Article Sheekh Umal: “Naagta qabta in Guriga Ninkeeda loo diido Sodohda iyo waalidkiis waa in la eryo…”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo