Midowga Yurub ayaa safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, waxaana safiirka cusub lagu magacaabaa Nicolás Berlanga Martinez.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ka guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirka Ergada Midowga Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez.
Wasiir Cawad ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo ku nuux nuuxsaday in Midowga Yurub ka mid yahay bahwadaagta ugu muhiimsan ee mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.
Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa is dhaafsaday dhowr aragti iyo hindisooyin lagu xoojinayo, laguna horumarinayo xiriirka ujeeddooyinka badan leh si loo taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la hirgeliyo, lana dardargeliyo ldhammaan heshiisyada labada dhinac saxiixdeen iyo dabagalkooda.