Wararka laga helayo Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ay miino ku qaraxa koox ka tirsan maleeshiyada Alshabaab xilli ay diyaarinayeen inay dhigaan jidka isku xira Balcad iyo Afgooye.
Qaraxa miinada ayaa xalay ka dhacay degaanka Dani oo 10km u jira degmada Balcad, kadib ay markii ku dhex jireen howshii ay ku diyaariynayeen inay ku aasaan miinada. Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay inay arkeen afar ruux ay oo ku naf waayay qaraxa kuwaasoo ka tirsaa Al-Shabaab.
Wararka qaar ayaa sheegay in miinada dada ku dhintay uu ka mida ahaa sarkaalka miinooyinka u qaabilsanaa Alsahabaab oo xilligaasi qorsheynayay inuu ku xiro buundada Macalin weyne oo si weyn dadku u adeegsadaan.
Alshabaab ayaa sii kordhiyay dhaqdhaqaaqyada iyo miino gelinta ay ka wadaan Gobollada Shabeelooyinka kadib markii dowladda Federaalka ku dhawaaqday dagaal lagu qaadayo Alshabaab.
Goobta qaraxa ka dhacay ayaa u dhow goob ay dhowaan miino kula qaraxday Bas ay saarnaayeen dad shacab ah oo ay 6 qof ku geeriyoodeen.