Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Raila Odinga oo ku dhawaaqay inuusan aqoonsaneyn doorashadii Uhuru Kenyatta [tallaabooyin uu qaadayo]

    Raila Odinga oo ku dhawaaqay inuusan aqoonsaneyn doorashadii Uhuru Kenyatta [tallaabooyin uu qaadayo]

    October 31, 20174 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka Kenya ee NASA, Raila Odinga ayaa maanta sharaxay go’aamada uu ka qaatay doorashadii Isniintii la soo afjaray.

    Wuxuu ku celiyay in weli uu aaminsan yahay in aysan doorasho dhicin, wuxuuna tilmaamay in uusan aqoonsanayn maamulka Uhuru Kenyatta.

    Guddiga doorashada ee IEBC ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada oo Uhuru uu ka helay 98 boqolkiiba, codadkii la dhiibtay.

    Raila Odinga ayaa helay 39 boqolkiiba, sida uu sheegay Wafula Chabukati.

    Hadaba halkan ka aqriso go’aamada uu qaatay hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga.

    “Doorasho aan waxba ka jirin waa in aanan la aqbalin”

    Raila Odinga oo aysan garabkiisa ka muuqan hoggoomiyayaashii kale ee mucaaradkiisa NASA xilligii uu hadalka jeedinayay, ayaa ku dhawaaqay go’aamo culculus.

    Wuxuu xisbiga Jubilee iyo guddiga doorashada ee IEBC ku eedeeyay in ay diideen go’aankii maxkamadda, fikradaha caalamka iyo hadalka xubin sare oo ka mid ahayd guddiga Roselyn Akombe oo shaqada ka carartay.

    “Guddoomiyaha IEBC, Wafula Chabukati ayaa xaqiijiyay in aysan doorasho xor ah qaban karin, hadana wuxuu qabtay mid aan waxba ka jirin,” ayuu yiri Raila oo warbaahinta la hadlay.

    Ka dib markii hadalka uu dhammeeyay Raila, waxaa soo istaagay seddaxda kale ee ay isla hoggaamiyaan mucaaradka ugu wayn Kenya ee NASA.

    “Waxaan si joogto ah u sheegaynay in doorashadan ay ka xumaan doonto kuwii horay uga dhacay dalka,” ayaa lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiiska mucaaradka.

    “Dunida waxay marqaati ka noqotay in doorasho aysan dhicin. Warbaahinta caalamka waxay ku tilmaamtay doorasho aan si fiican loogu soo bixin.” Ayuu xusay Raila.

    “Ololaha iska caabinta qaran”

    Raila Odinga ayaa ku celiyay hadal uu jeediyay isbuucii tagay oo ahaa in uu sameynayo howlgal uu ugu magacdaray “ololaha iska caabinta qaran.”

    “Dhaqdhaqqaqa iska caabinta qaran wuxuu masuul ka ka noqon doonaa fulinta barnaamij xoog leh oo siyaasadeed sida, go’doomin dhaqaale, dibadbaxyo nabadeed iyo isu soo baxyo kale oo sharci ah,” ayuu sheegay Raila oo saxaafadda iyo shacabka Kenya la hadlay.

    Rabshado dhacay intii codeynta ay socotay waxaa ku dhintay dhowr qof, kuwa badanna waxaa la geeyay cisbitaallo.

    Taageerayaasha Raila ayaa hor istaagay in codeynta ay ka dhacdo goobaha qaar, taas oo sabab u ahayd in la joojiyo doorashadii ka dhici lahayd afar deegaan.

    “Haddii dadka aysan cadaalad helin, marka waa in dowladdana aysan nabad galin,” ayuu ku daray hadalkiisa.

    Uhuru Kenyatta ayaa ku guuleystay doorashada ku celiska ah ee maxkamadda sare ee Kenya amartay ka dib markii guushiisii hore la diiday.

    Guddiga doorashada ee IEBC ayaa ku doodaya in doorashada ay u dhacday si xor ah. Waxayna ku baaqeen nabad.

    Laakiin mucaaradka waxay ku adkeysanayaan in la xoogay, tiradana codeysayna been laga sheegay.

    Hadaba, dad badan ayaa shaki ka qaba in “ololaha iska caabinta” uu sababo amnidaro ama rabshado ka dhaca Kenya.

    “Golaha dadweyne”

    “Dowladaha dastuurka kama sareeyaan, dastuurkana dadka kama sareeyo” ayuu ku billaabay hadalka Raila markii uu ka hadlayay qodobka.

    Mr Odinga wuxuu dowladda cusub u arkaan mid aan sharci ahayn, wuxuuna ku doodayaan sida codeynta ay u dhacday iyo marxaladda lagu qabtayba in aysan waafaqsanayn sharciga.

    “Shacabka waa in ay soo ceshtaan awoodooda madaxa bannaan. Taasina waa sababta uu dastuurka u ogolaanayo in dadka ay xurriyadooda u madaxbannaanaadaan.”

    “Waxaa hadda qasab nagu ah in aan soo ceshano dimuquraadiyadda, dastuurka iyo kala dambaynta,” ayuu yiri hoggaamiyaha mucaaradka Kenya.

    Wuxuu intaa ku daray, “Waxaan maanta ku dhawaaqeynaa aasaaska gole dadweynaha, wuxuu dardar gelinayaa soocelinta dimuquraadiyadda.”

    Wuxuu ka koobnaan doonaa xubno siyaasadeed oo la soo doortay iyo hoggaamiyayaasha qeybaha kale ee bulshada, sida lagu xusay qoraalka uu mucaaradka soo saaray.

    “Shaqaalaha, ururada bulshada rayidka ah, culimada diimaha, hoggaamiyayaasha, dhallinyarada iyo ganacsatada ayaa qeyb ka ah.”

    Laakiin, dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegay “in ay u muuqato in dowladda jirto laga garab dhisayo dowlad kale.”

    Mucaaradka ayaa maalmaha soo socda ku dhawaaqi doono xubnaha golahaas ka mid noqondoona, waana la dhaarin doonaa, sida uu Raila sheegay.

    Raila ayaa tilmaamay in “ujeedada loo aasaasayo golahan ay tahay in ay shaqeeyaan inta laga helayo dowlad iyo madaxweyne sharci ah.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in uu dhisi doono guddi ka hoos shaqeeya baarlamaankiisa si ay wax uga qabtaan meelaha uu maamulka ka daciifo.

    Kenya Kenya Election Raila Odinga Uhuru Kenyatta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMiino la diyaarinayay oo ku qaraxay koox ka tirsan maleeshiyada Alshabaab
    Next Article Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo mahacelin gaara u dirtay Itoobiya [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo