Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Mooshinka Madaxweynaha iyo Qodobada Dastuuriga ah ee la isku haysto (Faahfaahin)

    Mooshinka Madaxweynaha iyo Qodobada Dastuuriga ah ee la isku haysto (Faahfaahin)

    August 21, 20158 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaanada Federaalka ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay cuskadeen qodobo Dastuuri ah oo ku jira dastuurka Federaalka Soomaaliya.

    Hadaba baaritaan dheer ayaan ku sameynay qodobada Dastuuriga ah ee ay cuskadeen xildhibaanada mooshinka ka keenay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Dast

    Ugu horeyn Xildhibaanada mooshinka keenay waxaa ay xil ka qaadista u cuskadeen qodobka 92 aad farqadiisa 1-baad iyo labaad.

    Hadaba qodobka 92-baad oo ka hadlaya maxkamadeynta iyo maamuus ka qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa farqadiisa koowaad ku qoran: Xil ka qaadista madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara golaha shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano qaran, xad gudub culus oo dastuuri ah iyo ku xad gudub sharciyada kale ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Isla qodobkaas farqadiisa labaad waxaa ku qoran: Hindisaha xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha hor keeni kara ugu yaraan sadex dalool hal dalool(1/3) xubnaha golaha shacbka ee baarlamaanka federaalka, Maxkamadda dastuuriga ayaa galeysa dhageysiga eedeynta inay sal leedahay.

    Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay qoreen inay arkeen qodobka 87-baad farqadiisa 1-waad iyo 2-aad oo qeexaya in Madaxweynaha yahay astaan , Midnimo, ilaaliyaha iyo hor u mariyaha dastuurka Hadaba Qodobkaas waxaa uu u qoran yahay sidan:

    1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa:
    1. Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya,
    2. Astaanta Midnimada Qaranka.
    3. Ilaaliyaha iyo hor u mariyaha Mabaa’dida asaasiga ah ee dastuurka.
    1. Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Waxuu xilkiisa ugudanayaa si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Xildhibaanada Mooshinka keenay waxa ay qoreen in la sameeyay falal ku aadan ku xad gudub xuquul Insaanka umadda Soomaaliyeed oo isugu jira dil, Xarig iyo Xasuuq kaas oo ka hor imaanayacutubka 2-aad ee dastuurka oo xusaya Mabaa’dida aasaasiga ee Xuquuqul Insaanka.

    Xildhibanada mooshinka keenay waxay soo qaadeen cutubka 10-naad oo ay leeyihiin Ra’isul wasaarayaashii uu madaxweyne Xasan soo magacaabay 3-dii sano ee tagtay ma hirgalin howlihii dastuuriga ahaa ee lagu heshiiyay.

    Xildhibaanada federaalka waxaa ay warqadda Mooshinka ku qoreen in xil ka qaadista Madaxweynaha JFS u cuskadeen qodobka 92-baad Faqradiisa (1) ee Dastuurka JFS, faqradaas waxaa ku qoran:

    “Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xad-gudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

    Mooshinka waxa ay sheegeen in ay tixgaliyeen tilmaamaha qodobka 92 faqradiisa (2) kaas oo qeexaya soo jeedin(Mooshin) xil ka qadista Madaxweynaha Federaalka, Faqrada ayaa u qoran sidan ‘Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay”.

    Xildhibaanadan waxaa ay Mooshinka ku sheegeen in madaxweynaha sameeyay Xad-Gudubyo culus oo Lid ku ah Dastuurka iyagoo soo qaatay in madaxweynaha uu soo saaray xeer ciqaab oo loogu magac daray Ciqaab ku kordhin xeerka Amniga guud ee qaranka, kaas oo lagu soo daabacay faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Lr. 7, sanadka 2aad, Muqdisho, 30-kii Maarso 2014, xeerkan oo lix qodob ka kooban waxaa saxiixay wasiirkii Amniga iyo Madaxweynaha, Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay qabaan in Madaxweynaha aanu xeerarka la garab mari Karin Baarlamaanka, Xildhibaanadan waxaa ay qabaan in uu jabiyay qodob dastuuri ah, waxay leeyihiin waxaa uu ansixiyay xeer aan lasoo marin golaha shacabka, kaas oo lagu dilay muwaadiniin badan oo ay ku jiraan sida ay sheegeen kuwa aan Qaan-gaarin.

    Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay leeyihiin dhaqanka madaxweynaha waxaa uu u egyahay mid kaligii talis ah oo doonaya in uu dalka ku xukumo Digreeto, Xildhibaanada waxa ay leeyihiin awoodaha madaxweynaha waxaa qeexaya qodobka 90-aad oo ka kooban 17 faqro, gaar ahaan farqada(f).

    Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay qoreen in Madaxweynaha uu ku fashilmay in uu dhabarka u rito xilkiisa ilaaliyenimo iyo ho-uranita Mabaa’dida aasaasiga sida ku cad qodobka 87-aad faqradiisa 1, xarafka (C).

    Hadaba qodobka 87 qodobka 87-aad faqradiisa 1, xarafka (C) waa sidan: ‘Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.”

    Xildhibaanada waxaa kaloo ay soo qaateen qodobka 3-aad ee dastuurka tilmaamayo siiba faqradiisa 4-aad.

    Qodobka 3-aad, Faqrada 4-aad waxaa ay u qoran tahay sidan:” Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirri-gelinayaa xuquuqda Aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.”.

    Xildhibaanada Mooshinka waxaa ay qoraalka ku sheegeen in Madaxweynaha uu jabiyay qodobka 97-aad Faqradiisa 1-aad, 2-aad, 2-aad iyo 4-aad oo uu faragalin joogta ah ku hayo laanta fulinta, waxay sheegeen in madaxweynaha uu caqabad ku noqday in xukuumadda hanato waajibkeeda.

    Hadaba Qodobka ay sheegeen ee 97, faqradiisa 1-baad waa sidan:” Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh Golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman”.

    Faqrada 2-aad:”Golaha Wasiirradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiirro, Wasiirro-Dawlayaal iyo Wasiirro-ku-Xigeenno”

    Faqrada 3-aad “Ra’iisul-wasaarahu wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiirro-Dawlayaal iyo wasiirro-ku-xigeeno. Golaha Wasiirrada waa ay ka iman karaan xubin ka mid ah Golaha Shacabka iyo xubin aan ka mid aheyn Golaha Shacabkaba”

    Faqrada 4-aad: “Xil banneeynta jagada Ra’iisul-Wasaaraha oo sababaysa dhicitaanka Golaha Wasiiradda, waxay ku imaan kartaa istiqaalad, xil ka qaadid, xil gudasho la’aan iyo geeri”.

    Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay qoreen in madaxweynaha uu caadeystay faragalinta garsoorka taas oo ka horimanaysa madax banaanida hay’adaha garsoorka sida ku xusan qodobka 105-naad iyo qodobka 106-aad.

    Xildhibaanada waxaa ay qoreen in madaxweynaha uu saxiixay sharci LAM 28 ee ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowladda, taariikhda 08.07.2014, kaas oo ka hor imaanaya qodobka 87-aad faqradiisa (1), Xarafkiisa (c ) ee dastuurka.

    Hadaba qodobka 87-aad faqradiisa (1), Xarafkiisa (c ) ee dastuurka waxay u qoran tahay sidan:
    “Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.”.

    Xildhibaanada waxaa ay qoreen in madaxweynaha uu codsaday in loo sheego hantida dowladda Soomaaliyeed ee u taala Bangiga dhexe inta ay la egtahay, loona soo wareejiyo, isagoo isa siiyay awoodaha qabashada, ilaalinta iyo bixinta dhamaan hantida Bangiga dhexe ee Soomaaliyeed u taalla Bangiga keydka ee New York.

    Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay qabaan in Madaxweynaha aanu la xiriiri Karin ama la macaamili Karin Bangiyo sida uu qabo qodobka 90-aad ee Dastuurka.

    Xildhibaanada Mooshinka waxay ku eedeeyeen in Madaxweynaha uu dalka dib ugu celiyay marxaladdii MKG aheyd, isagoo maqaamkii Madaxweynimo hoos u dhigay isagoo safiiro si siman ula saxiixay Dukumentiyo tilmaamay Masiirka umadda taas oo ka soo hor jeeda Heybadda qaranimo ee dalka sida ku cad Cutubka Koobaad ee Dastuurka.

    Xildhibaanada waxaa ku eedeeyeen Madaxweynaha dhaqamo lid ku ah wada jirka bulshada iyo mideynta codka rabitaanka siyaasadeed, taas oo khilaafsan qodobka 87-aad, faqrada 1-aad xarafka (b) ee Dastuurka.

    Hadaba sidan ayey u qoran tahay:
    (b) Astaanta midnimada qaranka;

    Xildhibaanada waxaa ay qabaan in Madaxweynaha uu isa siiyay awoodo aan ku qorneen.qodobka 90-aad ee dastuurka.

    Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay qabaan in Madaxweynaha uu ku xad gudbay sareynta Dastuurka sida ku cad qodobka 4-aad Faqrada(1)
    Hadabada Qodobka 4-aad, Faqrada(1) waa sida:

    “Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan”.

    Xildhibaanada waxaa ay Madaxweynaha ku eedeeyeen hogaan xumo xagga amniga ah iyo xadgudubyo lid ku ah shuruucda dalka.

    Iyagoo sheegay in sida ku cad qodobka 90-naad faqradiisa(b) uu madaxweynuhu yahay taliyaha guud ee ciidanka qaranka, waxaana xil ka saran yahay amniga dalka.

    Hadabad qodobka qodobka 90-naad faqradiisa(b) ee dastuurka waxaa ku qoran
    “(2) waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.

    Ugu dambeyntii waxaa ay sheegeen in iyagoo isticmaalaya awoodaha uu siinayo qodobka 92-baad faqradiisa(1)ee dastuurka ay Madaxweynaha xilka ka qaadi doonaan.

    Hadabada Qodobka 92, faqtadiisa (1) ee dastuurka waxaa ku qoran;

    “Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xad-gudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”

    Xildhibaanada Mooshinka waxaa ay sheegeen in Mooshinkooda ay sal uga dhigayaan qodobka 69-aad xarafka(F).

    Hadaba Qodobka 69, Xarafka(f) waxaa uu u qoran yahay sida:

    “(f)Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Madaxweynaha sida ku cad Dastuurka;”

    Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay madaxweynaha ku eedeeyeen in madaxweynaha ku dhaqaaqay kooxeysi hoos ka xisbiyeysan ama danwadaag maslaxad gaar ahaaneed, dhaqankan waxaa ay sheegeen in uu khilaafsan yahay Faqrada 3-aad ee qodobka 22 iyo qodobka 47 ee Dastuurka.

    Hadaba Faqrada 3-aad ee qodobka 22-naad waxaa ku qoran:

    (1) Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqa kan waxaa ka mid ah:

    (a) Inuu samaysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed, kana qayb-qaadan karo hawlihiisa;

    (b) In xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta.

    (2) Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.

    (3) Xuquuqda ku xusan faqradaha (1) iyo (2) ee qodobkan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharci Baarlamaanku ansixiyo.
    Halka uu Qodobka 47-aad ee dastuurka waxaa ku qoran:

    Qodobka 47aad. Nidaamka Doorashooyinka iyo Xisbiyada

    Shuruucda ku saabsan Xisbiyada, Diiwaangelintooda, Doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah iyo Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka, waxaa lagu qeexi doonaa shuruuc gaar ah oo uu soo saaro Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Xildhibaanada waxaa ay warqadooda kusoo qoreen in Mooshinkan ay u gudbinayaan Guddoonka Baarlamaanka kadib markii ay xaqiijiyeen in uu waafaqsan yahay qodobka 92-aad faqradiisa 2-aad ee Dastuurka.

    Hadabada Qdobka 92, Faqrada 2-aad waxaa ay u qoran tahay sidan:

    (2) Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay.

    Xildhibaanadan waxaa ay soo jeediyeen in la laalo awoodaha Madaxweynaha eek u xusan qodobka 90-naad xarfahiisa A, C, D, E, J, K, L iyo O ee dastuurka.

    Isha:caasimada

    [ad name=”HTML-1″]

    Mooshinka madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaaraha oo heshiis uu la galay urur NGO ah ku magacaabay Xil ku cusub dowladda Soomaaliya
    Next Article Howlgal culus oo ka socda Magaalada Cadaado & xiisad ka dhalatay xaalada Madaxweyne ku xigeenka Ahlu suna

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo