Iyadoo saacado kadib ay caawa ku eg tahay mudaddii xil heynta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxaya baaqyo is daba joog ah oo loo dirayo saacadaha ugu danbeeya ee muddo xileedkiisa sharciga ah.
“Mudane Madaxweyne Farmaajo, maadaama aad tiri waxaan ahay ‘Tanaasule’ inta aan la gaarin Saqda Dhexe ee Caawa, la xiriir Lixda madaxda maamul Goboleed ee ku sugan Dhuusamareeb si ay u soo saaraan qorshe Doorasho (4 ka mida waa taageerayaashaada), kuna dhawaaq inaad aqbashay Qorshaha” ayuu yiri agaasimaha Mac-hadka Heritage C/rashiid Xaashi oo farriintan soo diray.
Wuxuu intaas ku daray in tallaabadan haddii uu qaado Madaxweyne Farmaajo ay dalka ka caawin karto dalka inuu ka guuleysto inuu Haadaan ku dhaco.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadii uu shalay u jeediyey Golaha Shacabka ku sheegay in lagu fashilmay heshiis laga gaaro Doorashada isagoo ku eedeeyay madaxda Puntland iyo Jubbaland.