Ciidamada Amniga ayaa toogtay xalay laba nin oo lagu eedeeyay inay falal burcadnimo ah ka wadeen degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho,
Raggan la toogtay oo ku lebisnaa dareysa Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay dhac u geysteen dad shacab ah iyagoo ka furtay telefoonada gacanqaadka ah ee Mobile-ka iyo agab kale.
Mid ka mida raggan ayaa geeriyooday, halka midkii kale la qabtay isagoo dhaawac ah, sida laga soo xigtay Ciidamada Booliska ee howlgalka fuliyey, waxaana labadan nin lagu eedeeyay inay falal dhac ah ka wadeen xaafadaha degmada Howlwadaag ayna wateen laba qori.
Ninka dhaawaca ah ayaa la baraayaa, iyadoo meydka ninka kale la geeyay xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da.
Waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay muddooyinkii danbe falal dhac iyo burcadnimo ah oo ay geysanayaan askar hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan milateriga.