Waxaa caawa gebi ahaan la xiray wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, taasoo ay ugu wacan tahay caleemasaarka madaxweynaha Soomaaliya oo beri ka dhaceysa Muqdisho.
Ciidamo fara badna ayaa maqribkii caawa la soo dhoobay wadooyinka caasimadda, kuwaasoo qeyb ka ah ciidamada sugaya ammaanka caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed Farmaajo oo amray inaan maanta la xirin magaalada.
Bandowga magaalada ayaa lagu soo koobay muddo 24 saacadood ah iyagoo hore maamulka Gobolka Banaadir ugu dhawaaqay laba maalmood in la xirayo magaalada, kadib markii uu soo farageliyay madaxwyene Farmaajo, kuna soo koobay hal maalin.
Munaasanadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan madax iyo wufuud caalami ah.
Wadani.com