Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya inuu kooram la’aan u baaqday Kulankii ay xildhibaanada ka yeelan lahaayeen ansixinta Golaha Wasiirada uu soo dhisay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa warbaahinta u sheegay in kooram la’aan uu u baaqday Shirkii degdega ahaa ee uu codsaday madaxweyne Waare, waxaana arrintan ay ka danbeysay markii xildhibaannada ay dalbadeen in la siiyo mushaar ka maqan afar bilood, balse madaxweynaha Hirshabeelle uu sheegay inuu u hayo mushaarka laba bilood oo qura.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanno badan ay diideen inay xaadiraan shirka iyadoo aan lasoo dhameystirin mushaarka, waxaana kulanka ka xaadiray 44 mudane, iyadoo loobaahnaa kooramka dhan 51 Xildhibaan.
Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan Cod u qaadi doonin Wasiirada ilaa ay helaan xaquuqda ka maqan Baarlamaanka maamulkaasi Hirshabeelle oo tan iyo intii la doortay Madaxweyne Waare aanay helin wax mushaar iyo guno ah.