Musharaxa u taagan xilka madaxweynaha Jibriil Ibraahim Cabdulle wuxuu ka mid yahay kuwa ugu cadcad tartanka xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Socdaalka uu ku tegay magaalooyinka dalka iyo dadka soo dhoweeyay waxay muujiyeen inuu taageero ka heysto dadka iyo maamulada siyaasadda, laakiin waxaa cad in tartanka uu galay uu yahay mid aan sahlaneyn xilligan lagu jiro.
Qorsahha musharaxa Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa inta badan ah weerar uu ku qaado madaxweynaha xilka ka degaya oo ay qaraabo iyo saaxiibo shaqo hore u soo ahaayeen, isagoo marar badan ku celiyay in afartii sano ee Xasan Sheekh ku tilmaamay 4 sano oo qasaartay.
Dad badan ayaa aaminsan in musharax Jibriil kaliya u sharxan yahay sheegista khaladaadka Xasan Sheekh galay, balse aanu heyn wax qorshe ah oo lagu saxo marka laga reebo inuu isbedel loo baahan yahay oo dadku wax badan samreen.
Musharax Jibriil wuxuu Xasan Sheekh kala mid yahay:
- Inay hal jufo kasoo wada jeedaan.
- Inay ururada Bulshada ka wada yimaadeen (Xasan Sheekh & Jibriil waxay ka wada shaqeyn jireen Hay’adda CRD ee uu hadda madaxda ka yahay Jibriil)
- Inay labaduba qaadan talo oo ay isu heystaan inay dadka ugu caqli badan yihiin.
Qiimeynta musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle waxay sheegeysaa inuusan wax badan dhaami doonin Maxamed C/llaahi Farmaajo, maadaama codka lagu gaarayo kursiga Villa Somalia doonayo aysan ahayn mid ku xiran dhalinyarada.
Faallooyinka Doorashada