Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Musharax culus oo si weyn loogu soo dhoweeyay Cadaado [Warbixin & Sawirro]

    Musharax culus oo si weyn loogu soo dhoweeyay Cadaado [Warbixin & Sawirro]

    November 13, 2016Updated:November 13, 20162 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Musharax culus oo u tartamaya kursiga xildhibaannimo ee madaxweyne Xasan Sheekh ku soo galay Baarlamaanka ayaa maanta tegay magaalada Cadaado.

    Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta kmg maamulka Galmudug si diiran loogu soo dhoweeyay musharaxa xildhibaan Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo u tartamaya aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

    Eng. Cabdullaahi oo magaalada Muqdisho kasoo kicitamay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado kusoo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada  rayidka, maamulka gobolka, kan degmada xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo siyaasiyiin, kooxaha dhalinyarada oo ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka.

    Wafdiga musharax Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo loo soo galbiyay magaalada Cadaado ayaa waxaa uu dadkii soo dhoweeyay uu kula hadlay xaflad soo dhoweyn aheyd loo sameeyay musharaxa, wuxuuna ugu mahad celiyay soo dhoweyntii ballaarneyd ee loo sameeyay, isagoo sharaxaad ka bixiyay ujeedada ku dhalisay sababta uu isu sharxay iyo waxa uu qaban doono marka uu guuleysto.

    Eng. Cabdullaahi ayaa sheegay in sababta ku kaliftay inuu isu soo taago xubin ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka in dadka Soomaaliyeed ugu faa’iideeyo aqoontiisa iyo kartida uu u leeyahay maamulka iyo maareynta, maadaama buu yiri 25 sano ka badan aan dhinaca samafalka iyo gargaarka ugu shaqeynayay dadka, haddana uu dhinaca siyaasadda ugu shaqeeyo.

    “Niyadeyda ma ahan inaan dhaqaale ka tabco, laakiin ujeedadeyda waxay tahay inaan dadka iyo dalka ugu shaqeeyo si caddaaladi ay ku jirto iyo inaan ka shaqeeyo midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo intaa raaciyay in “biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa” taasoo uu ula jeeday in dadka Soomaaliyeed isku tashadaan”.

    Musharax En. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa sidoo kale, ka hadlay colaada magaalada Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in nabad lagu dhameeyo dagaalada mudada soo socday, miiska wada hadalkana lagu xaliyo wax kasta oo la kala tabanayo.

    Sidoo kale, musharaxa ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha aafeeyeen ee gobolada Waqooyi Galbeed iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka, wuxuuna ka codsaday Soomaalida in ay isu naxariistaan una istaagaan sidii dadkaasi Soomaaliyeed dhibaatada looga bixin lahaa.

    Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa waxaa lagu xusuustaa inuu mudo 30 sano ka badan uu kasoo shaqeynayay arrimaha bulshada rayidka iyo samafalka isagoo wax muuqda ka soo qabtay degaanada bulshada Soomaaliyeed ee xagga waxbarashada, biyaha, beeraha, shaqo abuurka, gargaarka deg degga ah, horumarka haweenka, dhallinyarada iyo dadka taagta daran.

    DAAWO SAWIRRO

    dsc07397 dsc07431 dsc07430 dsc07426  dsc07380dsc07432 dsc07435dsc07437dsc07439dsc07443dsc07447dsc07477dsc07497dsc07507 dsc07510dsc07514

    Aqalka hoose Cadaado Doorashada 2016 Eng. C/llaahi Cali Xasan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKASHIFAAD: Sidee Xasan Sheekh uga hor istaagay siyaasiyiin caan ah inay xildhibaano noqdaan (Akhriso)
    Next Article Cumar C/rashiid oo hadal aan la fileyn ka sheegay Nidaamka Federaalka Soomaaliya [DAHGEYSO]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo