Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Musharaxa kaliya ee hor yimid Guddiyada Doorashada ee RW Rooble iyo Siyaasiyiinta taageeray (Akhriso)

    Musharaxa kaliya ee hor yimid Guddiyada Doorashada ee RW Rooble iyo Siyaasiyiinta taageeray (Akhriso)

    June 20, 2021Updated:June 20, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Midowga Musharixiinta ayaa ka gaabsaday Guddiyada uu xalay magacaabay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, kadib markii dib u eegis lagu sameeyay oo qaar laga saaray, qaar cusubna lagu soo bedelay.

    Daqiiqado kadib markii ay soo baxeen liiska Guddiyada heer Federaalka, Maamul Goboleedyada, xubnaha a magacawday Xukuumadda iyo Guddiya Somalilan/Banaadiriga waxaa taageero aan kala har lahayn u diray siyaasiyiin ka mida mucaaradka, halka uu ka hor yimid hal musharax, ayna ka gaabsadeen xubnaha kale ee Midowga Mushrixiinta.

    Musharaxa kaliya ee ka hor yimid guddiyada dib loo magacaabay waa C/naasir Cabdulle Maxamed oo qoraal uu soo saaray ku yiri: “Waxaan aad uga xunnahay oo cambaareynaynaa in Xukuumadda xil-gaarsiinta aysan si caddaalad ah oo dhexdhexaad ah usoo xulin Guddiyada Doorashooyinka Qaranka iyadoo soo xushay dad gaar ah oo laga leeyahay dano goonni ah oo gaaban”

    Musharax cusub oo isu sharxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016

    Wuxuu Musharaxa C/naasir ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble inuu ka run sheego ballanqaadkii uu hore u qaaday ee ahayd inuu dalka gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsanyahay isaguna dhexdhexaad ka noqon doono doorashada. “Dib-udhaca doorasho ay arrintaasi sababto iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhasha waxaa masuuliyaddeeda qaadanaysa xukuumadda xilgaarsiinta” ayuuma yiri.

    Siyaasiyiinta sida aan loo meel dayin taageerooda la hormaray waxay kala yihiin

    Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Galmudug oo yiri: “Dadaal dheer iyo kala hufid ka dib, RW Mohamed Hussein Roble wuxuu soo saaray liiskii guddiyada doorashooyinka ee la wada sugayay, tallaabadan oo horseed u noqonaysa in dalku uu aado doorasho xor iyo xalaal ah, Raysulwasaaruhuna uu ka soo dhalaalay ballanqaadkiisii. Bani’aadam tabasho kama dhamaato, hawl bani’aadam qabtayna ma dhammaystirna, balse dowrka hogaamineed ee uu qaatay Raysulwasaare Rooble ayadoo ay jireen culaysyo kala duwan ee uu waajahayey wuxuu mudan yahay bogaadin iyo taageero iyo in gacan lagu siiyo hawlaha dhiman dhammaystirkooda”

    Xildhib aan Mahad Salaad ayaa isna u hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha, isagoo ku dooda inuu saxay Guddyada Doorashada.

    Mahad Salaad: “Waxaan ugu hambalyeynayaa RW Rooble sixidda iyo dhamaystirka guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee caawa uu ku dhawaaqay. Waxaan codsanaynaa in lala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha iyo team-kiisa si loo dedejiyo qabsoomida doorasho hufan oo loo dhan yahay“

    Musharaxa C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka mid ahaa kuwii ug horeeyay ee taageeray magacaabidda Guddiyada Doorashada wuxuuna qoraal taageero ah ku yiri:

    “Waxaan soo dhaweynayaa Magacaabista Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed iyo heer dowlad dhexe intaba, waxaan u arkaa tillaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka toosan ee dedejinta hirgelinta doorasho la isla ogol yahay, kuna qabsoonta xilliga loo asteeyey” .

    Madaxda iyo musharixiinta kale ee Midowga ayaa laga filayey inay arrintan ka hadlaan, laakiin waxaa muuqata inay taageereen si hore loogu socdo Doorashada oo muddo dheer jiitameysay, waxaana weli wax war ah kasoo bixin Musharax C/raxmaan C/shakuur oo lagu waday inuu ka hor yimaado.

    Guddiyada Doorashada Maxamed Xuseen Rooble Top Xukuumadda Soomaaliya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladaha Somaliya iyo Itoobiya oo gaaray Heshiis Ganacsi oo Qaadka Itoobiya loogu bedelayo Kalluun
    Next Article Guddiga Amniga Qaran ee Doorashooyinka oo la shaaciyay (Akhriso Xubnaha ka mida)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo